Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Maaliyada oo maanta Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda

20 Apr

Wasaaradda Maaliyada oo maanta Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda

Wasaaradda Maaliyada oo maata Xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka daahfurtay midaynta xasaabaadka Dowladda.
Garoowe: 17 April 2022: Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland ayaa maanta noqotay xaruntii ugu horaysay ee xarumaha Dawlada ee laga bilaabo midaynta xisabaadka dowladda.  Wasaraadda maaliyadu ayaa ka shaqaynaysay saddexdi sano ee la soo dhaafay gaar ahan xafiiska Xisaabiyaha guud.
Wasiir- kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, agaasimaha Guud, Xisaabiyaha guud ee Puntland Mudane Cumar Salax Adan, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda caafimaadka iyo saraakiil ka socotay wasaaradda maaliyada ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda dhexe ee caafimaadka.
Cumar Salax Adan Xisaabiyaha guud ee dawlada Puntland oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland oo maanta aan ka bilaabayno nidaamkaan cusub ee lagu midaynayo xisaabaadka dowladda kaasoo muddo saddex sano ku dhow aan ka soo shaqaynaynay, nidaamkaan ayaa loogu talagalay sidii dowladda Puntland uyeelan lahayd hal meel oo laga maamulayo.”
Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadlay ayaa yiri:-
“Waxaan ku faraxsanahay Maanta in hoolka wasaaradda caafimaadka laga daahfuro waxa loo yaqaano nidaamka xisaabaadka Dowladda Puntland kaasoo macnaheedu tahy in guud ahaan xisaabaadka dowladda ay yeelato hal khasnad oo lagu maamulayo, wasaraadda caafimaadkuna noqotay meeshii ugu horeysey ee laga bilaabo.”
Barnaamijkaan ayaa wax badan ku soo kordhin doona Horumarka dhanka dhaqaalaha dowladda iyo helitaanka khasnad midaysan oo laga maamulayo, Waxaan ku faraxsanahay in wasaaradda caafimaadku qaadatay nidaamka xisaabaadka, waxa uu noo fududaynaysaa in kor uqaado aaminaada hay’addaha nagala shaqeeya caafimaadka iyo in la ogaado dhaqaalaha caafimaadka iyo halka ay ku baxaan oo la wada arkayo.”
“Ugu danbayn waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo barnaamijkaan inaan laga baqin ee badalkeeda lagu dhiirado in la qaato.”
Mudane CAbdinaasir Yuusuf Xaaji Kusimaha Wasiirka ahna wasiir -kuxigeenka waaaaradda caafimaadka oo soo xiray shirka ayaa sheegay:-
“ Waxaan ugu horayn u mahadcelinayaa wasaaradda maaliyada gaar ahaan xafiiska xisaabiyaha guud oo barnaamijkaan muhiimka u ah dawladnimadeena maanta halkaan inoogu soo bandhigay, taasoo qayb ka ahayd barnaamij siyaasadeedkii uu madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Abdulaahi Dani kusoo bandhigay ololahiisi doorashada, kaasoo ahaa in dhaqaalaha dawlada la mideeyo laguna maamulo si daahfuran. Waxaan sidoo kale rabaa inaan uga mahadceliyo waqtiga ay galiyeen waaxda maamulka iyo maaliyada waaaaradda caafimaadka sidii barnaamijkaan u noqon lahaa mid mira dhala maantana halkaan aan ku daahfurayno.”
“ Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda caafimaadka Puntland waxaan cadaynayaa inaan qaadanay hirgalinaynana barnaamijkaan waxaana ka rajaynayaa in sida ugu dhaqsaha badan looga hawlgalo iyaga oo wada shaqaynaya kooxda wasaaradda maaliyada ka socota iyo agaasinka maamulka iyo maaliyada wasaaradda caafimaadka.”
“Waxaan u arkaa inuu barnaamijkaan midaynta xisaabaadka dawladu uu noqonayo mid la jaan qaadaya qaabka ay ushaqeeyaan dawlada horumaray ee loo guuray Nooca technolajiyada iyo Maamul wanaaga.”

 




 

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND