Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadkq Dowladda Puntland ayaa maanta qaar kamid ah warbaahinta Puntland uqabatay kulan wacyigelin la xiriirta tallaalada dalka ka baxa iyo kuwa lagu soo kordhiyey sanadkaan 2025.

17 May

Wasaaradda caafimaadkq Dowladda Puntland ayaa maanta qaar kamid ah warbaahinta Puntland uqabatay kulan wacyigelin la xiriirta tallaalada dalka ka baxa iyo kuwa lagu soo kordhiyey sanadkaan 2025.

Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ee Wasaarada caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo xubno ak socday hay’addaha UNICEF iyo WHO ayaa ka qaybgalay.

Ujeedka Kulanka ayaa warbaahinta in xog laga siiyo talaalada caruurta ee ka baxa dhamaan gobolada Puntland iyo labo talaal oo sanadka lasoo kordhiyay kuwaas oo kala ah midka Oofwareenka iyo kan Shubanka oo markii ugu horaysay degaanada Puntlad ka bilaaban doona.

Wariyaasha ayaa masuuliyiinta wasaarada gaar ahaan qaybta talaalada suaalo ka weydiiyay ku saabsan talalada baxa iyo kuwa cusub, waxaa sidoo kale la iskula qaatay in xogta warbaahinta lala wadaago, agaasimaha ayaana uga jawaabay suaalahoodii kulanka ayaa loogu talagalay in warbaahintu kaalintooda ka qaataan kor uqaadida wacyiga bulshada.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment