Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka dhacay shir ku saabsan xaaladaha caduruda ka jira Puntland khasatan cudurka gowracata iyo cudarada kale ee tallaalka looga hortagi karo.

16 Nov

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka dhacay shir ku saabsan xaaladaha caduruda ka jira Puntland khasatan cudurka gowracata iyo cudarada kale ee tallaalka looga hortagi karo.

Garowe: November 10,2024:- Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka dhacay shir ku saabsan xaaladaha caduruda ka jira Puntland khasatan cudurka gowracata iyo cudarada kale ee tallaalka looga hortagi karo.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay waaxda caafimaadka guud gaar ahaan qaybta dabagalka cudurada, waxaana ka qaybgalay agaasimayaasha waaxyaha caafimaadka asaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo Qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed iyo qaar kamid ah madax qaybeedada wasaaradda iyo hay’addaha wasaradda kala shaqeeya caafimaadka.

Shirka oo waqti dheer qaatay laguna soo bandhigay heerka uu marayo cudurka gawracatada oo Puntland meelo kamid ah kor ukacay gaar ahaan caasimada Garowe.

Shirka ayaa la isku raacay in la kordhiyo Wacygalinta dadwaynaha si koo xoojiyo talaalka caruurta si loo yareeyo cudurada. In la xoojiyo xogta dabagal cudurada faafa iyo xakamayntooda. In shaqalaha lagu tababaro sidii loo maarayn lahaa bukaanada uu haleelo.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.