Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.

12 Jun

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta uu ka bilawday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.
Garoowe: 12 Jun 2022:- Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Shirka dib u eegista xogta caafimaadka iyo mida daawada Ee Soomaaliya. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xogta ee wasaaradda caafimaadka dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Furitaanka shirka waxaa ka soo qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha, sidoo kale waxaa joogay madaxa xogta ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Abdirisak Artan madaxa xogta caafimaadka Puntland, oo ka hadlay furitaanka ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee shirka ay tahay in xogta saadka iyo daawada lagu soo ururiyo nidaamka xogta DHIS2ga, isla markaasna lagu mideeyo si ay qayb uga noqoto xogta saadku xogta caafimaadka guud ee wadanka.
Hasan shiikh Ahmed madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan soo dhoweynayaa inaan maanta ku kulano shirkan muhiimka ah kaasoo loogu talagalay in la isla eego wax ka badalka lagu sameeyay nidaamkii hore ee xogta loo soo gudbin jiray lana casriyeeyay.”
“Waxaana qorshaha mustaqbalka ee dalku uu yahay in guud ahaan soomaaliya laga helo hal xog oo dhamaytiran la hagaajiyay.
“Waxaan umahadcelinayaa madaxada Wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland soo dhowaynta aad noo samayseen tan iyo markii aan Garoowe shalay ka soo degney.”
Cabdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah oo isaguna ka hadlay shirka ayaa yiri:-
“ Waxaan ugu horayn idinku soo dhoweynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland dhammaan dhalinyarada ka timid gobolada kala duwan ee dalka, shirka maanta halkaan idinka furmaya waa mid muhiimad weyn ugu fadhiya guud ahaan caafimaadka dalka gaar ahaan dhanka caafimaadka, sanadkii hore iyo sanadka waxaa la waday dib uqaabaynta iyo qurxinta xogta iyo helitaanka xog dhamaystiran oo guud ahaan soomaaliya laga helo.”
Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka isna ka hadlay ayaa yiri:-
“Shirkaan waxaa la qorshaynayay mudo dheer juhdi badan ayaa la geliyey isku keenidiina waxaan ka sugaynaa in natiijo wanaagsan iyo wax la taaban karo ka soo baxaan insha allah.”
Cabdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland oo shirka si rasmi ah ufuray ayaa sheegay:-
“ Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta inta badan dad ka kala yimid gobolada soomaaliya ay joogaan waxayna anaga noo tahay inuu Garowe ka dhaco mid wanaagsan.”
“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shaqada fiican ee sanadkaan 2021 iyo sanadka socda 2022 laga qabtay barnaamijkaan xogta caafimaadka, waa markii ugu horaysay ee xog soomaliya ay soo saarto maanta la soo saaray laga heli karo meel kasta, waxaan soo gaaray iyadoo xogta caafimaadka aan ka barino NGO yada soomaliya ee gacanta ku haya, maanta waxaan maraynaa in xog aan ilaha loogu talagalay soo gelintooda ama soo saaristooda soo marini in aanay bannaanka ubixi karin.”
“Waxaan joognaa meel bilaw ah waxaan rabnaa heer aan gaarno xarunta caafimaad ee kasta ay qofka jooga marka uu qofka xogtiisa galiyo in markaba xafiisyada HMIS ka ay arki karaan kiisaska dheeraadka ah ee laga helay waxaan rajaynayaa kooxda halkaan fadhida oo dhalinyaro ubadan in dadka looga faa’iideeyo waxa ay soo barteen iyaga oo isticmaalaya Technologiga.”
“Waxaan rajaynayaa inaad rumaysaan riyada ah in soomaaliya laga helo xog rasmi ah oo la xiriirta caafimaadka idinkuna aad qaybta ugu weyn ka qaadataan si mustaqbalka soomaaliya xogtaas inta lagu qorsheeyo kadibna loo bixiyo adeega caafimaad ee laga rabay.”

<div

<div

<div

<div

<div

<div

<div

<div

<div

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.