Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.

20 Apr

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta shahaadooyin gudoonsiisay dhakhaatiirta qaliinka faruuryaha ka samaysay Garowe.
Garowe, Mar,30,2022:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka DOwlada Puntland Dr- JAamac FaArax Xasan oo uu wehelinayo agaasimaha guud ayaa maanta kulan Mahadcelin iyo shahaadooyin ay ku guddoonsiiyeen la qaatay Maxamed Cabdiraxmaan Cali Madaxa Hay’adda Som Care iyo dhakhaatiir qaliino bilaasha usameeyay dadka faruuran.
Mohamed Cabdiraxmaan Cali oo ugu horayntii hadal qaatay ayaa yiri:-
“ Waxaan Wasiirka iyo wasaaradda uga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan iyo gaar ahaan sida dhow ee ay noogala shaqeeyeen shaqada muhiim ah oo sanadkasta aan qaliino bilaash ah ugu samayno dadka faruuran, waxaan rajaynayaa inaan wasaaradda ka sii wada shaqayn doono sidii loo hormarin lahaa caafimaadka gaar ahaan qaybtaas oo hay’addu oo ay cisbitaal gaar u ah usamaysay.”
Agaasimaha iyo wasiirka oo labaduba ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay hay’adda SOM Care qaliinada ay samaysay iyo sida ay sanadkasta adeegaas lacag la’aanta ah ugu qabato dadka Soomaliyeed wasaaradduna si dhow ayay ugala sii shaqayn doontaa shaqada ay hayaan.
Ugu danbeyn wasiirka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey madaxda iyo dhakhaatiirta.


 

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND