Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNICEF ayaa maanta bilaabay tababar dhijitaalka ah oo lagu tababarayo xarumaha ka shaqeeya nafaqada ee Puntland. In ka badan 300 oo shaqaale ah ayaa la tababari doonaa laguna qalabayn doonaa telefoonada (tablets) saddexda toddobaad ee soo socda

29 Oct

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNICEF ayaa maanta bilaabay tababar dhijitaalka ah oo lagu tababarayo xarumaha ka shaqeeya nafaqada ee Puntland. In ka badan 300 oo shaqaale ah ayaa la tababari doonaa laguna qalabayn doonaa telefoonada (tablets) saddexda toddobaad ee soo socda

Garowe: 29-Oct-2024: Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNICEF ayaa maanta bilaabay tababar dhijitaalka ah oo lagu tababarayo xarumaha ka shaqeeya nafaqada ee Puntland. In ka badan 300 oo shaqaale ah ayaa la tababari doonaa laguna qalabayn doonaa telefoonada (tablets) saddexda toddobaad ee soo socda, si ay si hufnaan leh ugu fuliyaan diiwaangelinta carruurta nafaqadaradu hayso.

Maxamed Cabdiwaaxid oo ka socday Ogow ayaa furitaanka ka sheegay:-

“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta uu inoo bilaabanayo tababar muhiim ah kaasoo si casri ah loogu tababari doono shaqaalaha nafaqada ee xarumaha caafimaadka Puntland, Ogow kuma cusba mashariicda aan ka wada shaqayno wasaaradda caafimaadka oo waxaan horay uga wada shaqaynaynay talaalka, waxaan hada ka wada shaqayn doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa nafaqaynta caruurta, taasoo keeni doonta in xog saxan la helo kadibna lagu dabaqo shaqada. Casriyayntaan ayaa mesha ka saari doonta in ilmaha markasta laga baaro buugaagta diiwaan galinta lkn la ogyahay waqtiga uu xarunta yimid iyo shaqada loo qabtay.“

“Waxaan umahad celinayaa guud ahaan wasaraadda caafimaadka gaar ahaan qaybta xogta HMIS ka wasaaradda oo shaqo wanaagsan nala qabtay midii mid ka balaarana hadda aan rajaynayo inay nala qabtaan.”

Marwo Edith Kabui Madaxa xafiiska Garowe ee UNICEF oo ka hadashay ayaa tiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo furitaanka tababarka muhiimka ah ee lagu casriyaynayo xogta qaybta nafaqada ilmaha taasoo fududeyn doonta galinta xogta, yaraynta doonta diiwaangalinta laba jeer ah ee ilmaha xarumaha caafimaadka imaanaya, isla markaana tayayn doonta adeegyada loo fidinayo caruurta nafaqo darada ba’an hayso.”

“Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo Ogow waan uga mahadcelinayaa kaalintooda iyo wada shaqaynta wanaagsan ee dhanka caafimaadka.”

Mudane, Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiirka Caafimaadka Puntland oo si rasmi ah ufuray tababarka ayaa yiri:-

“ Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay is badalada socda oo hay’adda UNICEF ay wado, horumarka aduunku uu usocdo waxaa ii muuqda inaan la jaanqaadayno, waxaa laga guurayaa nidaam hore oo lagu shaqaynayay mudana soo jiray waxaana loo guuraya mid ka casrisan kana fudud shaqo ahaan, guuraya, wasaaradda caafimaadka Puntland waxay karkasta si dhaw ula shaqayn doontaa sidii horumarkaas loola jaan qaadi lahaa, waxaan sidoo kale bogaadinayaa in barnaamijkaan ay ka shaqaynayaan dhalinyaro soomaaliyeed oo dadaalay shaqo wangsana qabtay.”

“ Waxaan rabaa aqoonta la idin barayo inaad adigu marka koowaad si fiican uga faa’iidaystid hadhowna aad bulshada ugu anfacdid, qalabka la idin dhiibayo ee aad ku shaqaynaysaan inaad ilaalisaan shaqada loogu talagalayna ku qabataan. Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda UNICEF sida dhaw ee ay shaqada qayb uga yihiin doonayaana in la hormariyo.”

Tababarka oo socon doona saddex maalmood waxaa ka qaybgalaya shaqaale kala duwan oo ka tirsan xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.