26
Apr
Wasaaradda caafimaadka oo qabatay maalinta duumada adduunka
Xuska maalinta Caalaamiga ah ee duumada adduunka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Caafimaadka Puntland Cali Maxamed Cismaan (Cali gurey) Madaxa Hay’adda UNICEF Garowe Edith Kabui agaasimayaal, bahada Caafimaadka gaar ahaan Macadka Shaafi iyo marti sharaf kale waxaana diirada lagu saaray horumarka laga gaaray ka hortaga iyo Xakamaynta cudurka duumada, oo sanadkii 2012 si aan horay loo arag uga dilaacay Boosaaso tan iyo markaasna wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha la shaqeeyaa ku howlanayeen xakamayntiisa.
Shaqaalaha xakamaynta duumada ayaa lagu amaanay shaqada muuqata ee ay qabteen ka hortaga cudurka iyo xakamayntiisa.



























