21
Dec
Wasaaradda caafimaadka oo qaabishay wafti ka socda dawladda sweden iyo madaxda hay’adaha UNKa (WHO, UNICEF, UNFPA)
Wasaaradda caafimaadka oo qaabishay wafti ka socda dawladda sweden iyo madaxda hay’adaha UNKa (WHO, UNICEF, UNFPA)
Ka dib markii dawladda puntland ay ka codsatay dawladda sweden in ay gacan ka gaysato wax qabashada arimaha caafimaadka gaar ahaan adeegga caafimaadka cisbitaallada puntland, markii madaxweynaha puntland uu safiirka la kulmay bishaan bilawgeedii.
Waxaa saaka wasaaradda caafimaadku qaabishay wafti ballaaran oo ka kooban safiirka sweden ee somalia, madaxda hay’adaha UNFPA, WHO, UNICEF,
Wasaaraddu waxay usoo bandhigtay wax qabadka caafimaadka, baahiyaha ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Waftigu waxa uu booqday qaybaha wasaaradda, cisbitaalka guud ee Garowe, xarunta baaritaanka covid19,
Wasaaraddu waxay uga mahad celisay dawladda sweden taageerida caafimaadka asaasiga ah, gaar ahaan sweden waxay maal galisaa adeegga caafimaadka asaasiga ee goballada Bari iyo Garadafuu.
Ugu danbayn waxay waftiga iyo wasaaraddu isla garteen in qorshe dhamaystiran loo sameeyo sidii Sweden ucaawin lahayd cisbitaalka Guud ee Garowe iyada oo waxii farsamo iyo talo ahna ay ka qaadanayaan hay’adaha UNka.
/>width=”660″ height=”540″ />