Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari ambalaas ah

14 Jan

Wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari ambalaas ah

Wasaaradda caafimaadka oo maanta gaari Ambalaas ah ku wareejisay Degmada EYl Ee Gobolka Nugaal.
Garowe, Jan,10,2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku wareejisay gaari Ambalaasah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaas.
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka, agaasimaha maamulka isu duwaha caafimaadka gobolka Nugaal, duqa Degamada Eyl,  maamulaha caafimaadka degmada iyo agaasimaha cusbitaalka degmada, xiriiriyaha Puntland ee Mashruuca Marwo Caafimaad ayaa ka qaybgalay wareejinta gaariga.

Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ugu horayn goobta ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta ku wareejinaynaa maamulka degmada Eyl gaari Ambalaas ah oo loogu talagalay degmadaas in loogu adeego caafimaadka bulshada, degmada eyl waxaan ku bogaadinayaa inay mudo 16 sano haysteen middan tii ka horaysey waxaanan rajaynayaa midaan inay sidii tii hore uga faa’iidaysan doonaan, gaarigaan Ambalaas ayaa ka mid ah baabuur loogu talagalay mashruuca marwo caafimaad waxaana soo iibisay wasaaradda maaliyada oo dhowaan nagu soo wareejisay sidoo kale waxaa lacagta bixiyay Bankiga Adduunka.”
“ Baabuurkani wuxuu kuwii hore ugaga duwan yahay waxaa u udhamaystiran dhammaan qalabka looga baahnaa Ambalaas waxaana rajaynayaa in aad ilaalin doontaan dhawrina doontaa sidii loogu talagalayna looga faa’iidaysan doono.”
Duqa Degmada Eyl Muuse oo isna gaariga kala wareegay agaasimaha ayaa hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka maanta inaan kala wareegno gaariga Ambalaas ah oo loogu talagalay degmada Eyl, sida uu agaasimaha guud sheegay gaarigan midkii ka horeeyay waxa uu shaqaynayay 16 sano waxaana ku rajo weynahay in midkanina intii in la mid ah ama ka badan uu shaqeeyo.”
Wareejinta baabuurtan ayaa ka mid ah dardar gelinta hawlaha wasaaradda caafimaadku wado kuwaas oo  kor loogu qaadayo addeegga caafimaadka Puntland gaar ahaan degmooyinka ka baxsan laamiga.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.