Wasaaradda Caafimaadka oo la kulantay wefti ka socda hay’adda Caafimaadka WHO Emro
Wasiirka Wasaarada Cafimaadka mudane siciid Jaama Qoorsheel oo u wehliyo Wasiiru-Dowlaha Caafimadka Mudane Axmed Sheekh Farah iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha sida agaasimaha caafimaadka aasaasiga ah, qorsheynta iyo shaqada iyo shaqaalaha ayaa qaabilay wafti ka socdey Hay’ada *WHO Emro* weftigan ayaa ujeedadoodu ahaa barashada hogaanka cusub ee Wasaarada iyo u kuur gelida xaaladaha caafimaad ee Puntland.
Weftiga ayaa sidoo kale booqday Shaybaarka Puntland iyagoo tababar siin doono shaqaalaha Shaybaarka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii Isbitaalada iyo Shaybaarada Puntland loo horrumarin lahaa loogana kaaftoomi lahaa baahida caafimaad ee bulshada Puntland ay ugu aadi jireen dalka dibadiisa.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.