Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka oo ka qayb gashay shirka jiheynta xukuumada Dowladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay caasimadda Garoowe

23 May

Wasaaradda caafimaadka oo ka qayb gashay shirka jiheynta xukuumada Dowladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay caasimadda Garoowe

Garoowe : 18, May 2024: Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Cabdirashid Xasan Jaamac Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamud, Madaxa Maareynta Iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, Lataliyaha arimaha Caafimadka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Siciid Maxamuud (Dhagaweyne) ayaa ka qeyb galay Shirka JIHEYNTA Xukumadda Dowladda Puntland, kaas oo ka furmay Caasimadda Garoowe.

Shirkan ayaa socon doona 18-20 Maajo 2024 iyadoo lagu soo bandhigi doono wixii qabsoomay 5 sano ee la soo dhaafay, wixii aan qabsoomin iyo qorshayaasha 5 sano ee soo socoto.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.