12
May

Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug ayaa maanta degmada Galkacyo ka bilawday buufinta kaneecada, taasoo soconaysa mudo 10 maalmood ah, waxaana qorshuhu yahay inta badan xaafadaha magaalada in la buufiyo.
Wasaaradda ayaa ka shaqaynaysay sidii bulshada magaalada uheli lahaayeen adeegyada dhanka caafimaadka ah kadib markii inta badan magaalada roobab ka da’ay ay biyo fariisteen sababna unoqon karaan caafimaad daro iyo cuduro ka dhasha, kaneecada ayaa magaalada aad ugu soo badatay intii roobabku jireen madaama magaalada biyo fadhiyeen.
Buufinta kaneecada waxaa iska kaashanaya wasaaradda caafimaadka gobolka iyo dawladda hoose degmadda Galkacyo, waxayna si wadajir ah bulshada looga codsaday inay la shaqeeyaan kooxaha ka shaqaynaya.
DHAMMAAD-





















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.