Wasaaradda Caafimaadka DPL Puntland xafiiskeeda Gobolka Mudug oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan wacyigelinta Tallaalka Carruurta ee Cuduradda Oofwareenka iyo Shubanka
Wasaaradda Caafimaadka DPL Puntland xafiiskeeda Gobolka Mudug oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan wacyigelinta Tallaalka Carruurta ee Cuduradda Oofwareenka iyo Shubanka oo Puntland ka bilaaban doona Sanadka 2025.
Kulanka ayaa daarnaa wacyigalin iyo baraarujin bulshadda iyo Hawladeenada Caafimaadka sidii wacyigalinta talaalka kor loogu qaadi lahaq loogu diyaar garoobi lahaa bilaabida talaaladda cusub ee Oofwareenka iyo Shubanka oo ah Taaalo aad muhiim u ah maadaama ay la dirirayaan labo cudur oo halis ku ah ilmaha soomaaliyeed kuwaasoo sababa dhimashadda ugu badan ee ilmaha 5-sano kayar.
Dr Cabdi Jaamac oo kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgala gobolka mudug aya isaguna dhankiisa faahfaahin ka bixiyay talaalada soo kordhaya:-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo kulankaan muhiimka ah oo ku saabsan wacyigalinta iyo ku baraarujinta bulshada qaadashada talaalada iyo muhiimada ay caafimaadka uleeyihiin, iyagoo dadka qaar ay jiri karaan khalad ka fahansan, baabug la’aanta iyo dacaayadaha ayaa keena ama sababa in cuduro laga talaali karo ilmaheena ay qaarkood u dhintaan ama khatar ugalaan sanadkasta hadaba waxaan ka dhakhtar ahaan cadaynayaa in talaalku uu ka hortag iyo difaac unoqdo ilmaha waxaana walidiinta farayaa inay ilmaha talaalka siiyaan si caafimaadkooda iyo difaacooda kor ugu qaado.”
Maryan Huseen Ali madaxa caafimaadka asaasiga ah ee gobolka Mudug oo ugu horayn ka hadashay ayaa tiri:-
“ Ujeedka kulanka maanta wacyigalinta ah waa ogaashaha talalaada cusub ee la soo kordhiyay kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka ilmaha, dadka halkaan fadhiya waxaad tihiin dhamaantiin shaqalaha xarumaha caafimaadka ee talaalka bixiya waxaana la idinku yeeray waa inaad ogataan talaalada cusub iyo qaabka loo bixinayo laguna wacyigaliyo hooyooyinka iyo waalidiinta idiin imaanaya. Walidiinta hadii loo sheego in shubanka iyo Oofwareenka talaal loo helay waa hubaal inay soo dhawaynayaan kuna dhiiranayaan inay siiyaan caruurtooda.”
Abdinaasir Sheekh Ibraahim isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Mudug oo kulanka soo gabagabeeyay ayaa xusay muhiimada talaalka iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa:-
“ Sida la xusay muhiimada kulanka maanta waa ogaanshaha talaalo cusub oo soo kordhaya sanadka cusub kuwasoo kala ah Oofwareenka iyo shubanka oo horay aan ujirin, talalada kale awal jiray waxay si joogto ah iyo si ololayaal ah uga socdaan xarumaha caafimaadka, waxaan wada ogsoonahay talaalada qaarkood inay qaali yihiin markastana lana soo weydiiyo sida cagarshowga ama Habitat ka haddii marka ilmaha horay loo siiyo uma baahna hadhow inu qaato, talaalada hadda soo kordhay sidoo kale aad ayay qaali uyihiin mana awoodno inagu marka waa in shaqaala weynaha caafimaadka iyo waalidiinta lagu wacyigaliyo siday uga faa’iidaysan lahaayeen.”
Kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday hay’addaha Save the Children, MSF iyo World Vision, waxaa sidoo kale joogay maamulka caafimaadka gobolka, Isbitaalka guud ee magaalada iyo shaqaalaha caafimaadka qaarkood.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.