Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay Qaybta Qaliinka (Operation Theater) ee Isbitaalka Degmada Dangorayo. Qaybtan cusub ayaa ah mid si weyn muhiim ugu ah adeegyada caafimaad ee isbitaalka, taasoo bulshada muddo dheer ay sugeysay hirgelinteeda.

09 Jul

Saaladda qaliinka ayaa maanta lagu rakibay dhammaan qalabkii casriga ahaa ee lagama maarmaanka u ahaa howlgalka qaliinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

• Operation Table

• Operation Light

• Anesthesia Machine

• Infant Incubator

• Iyo agab kale oo muhiim u ah fulinta qalliimada, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka (Caesarean Section).

Mashruucan hirgelintiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland iyo Hay’adda PSI

Daahfurka Qaybta Qaliinka ee Isbitaalka Dangorayo waa riyo u rumoowday bulshada deegaanka, oo markii ugu horaysay laga hirgaliyay degmadda,taasoo kor u qaadaysa helitaanka adeegyada caafimaad ee muhiimka ah, gaar ahaan adeegyada qaliinka hooyada iyo dhallaanka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.