Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka saddex Biloodlaha ah ee Guddiga Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Puntland
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka saddex Biloodlaha ah ee Guddiga Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Puntland
Shirkaan dib u eegista xogta Caafimaadka ee saddexdii biloodlaha ah ayaa lagu soo bandhigay waxyaalaha qabsoomay mudadaas iyo xogo kala gadisan oo ay wasaaraddu soo uruurisay, ayadoo la eegayo horumarada la sameeyay iyo caqadbadaha jira si looga hadlo.
Abdirisak Artan madaxa maaraynka iyo maamulka xogta ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Shirka aan maanta uwada joogno waa midkii saddex bilood laha ahaa ee loo qaban jiray shaqaalaha xogta ee gobolada iyo degmooyinka qaarkood, waxaana dib ugu qiimaynaa shaqadii qabsoonatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, horumarka laga sameeyay soo gudbinta xogta iyo haddii ay caqabado jiraan sidii loo xalin lahaa.”
Shirkan oo socon doona laba maalmood, waxaa ka soo qeyb galay shaqaalaha xogta caafimaadka ee gobolada iyo degmooyinka iyo hayadaha si dhow uga shaqeeya hormarinta xogta caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.