Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxa maanta ka qabsoontay labo Munaasibadood oo isa saaran kuna saabsanaa maalinta Dhiig karka Adduunka iyo xiritaanka Toddobaadka wacyigelinta cudurrada ku dhaca maskaxda
Wasu-dowlaha wasaaradda caafimaadka mudane Cali Maxamed Cismaan ayaa ka qaybgalay waxaa ku wehelinayay kusimaha Agaasimaha Qorshaynta, Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo sarkaal ka socday hay’adda WHO.
Shucayb Ahmed Madaxa Qeybta Cudurada aan Faafin oo ka hadlay ayaa yiri:- magaca qaybta talaalad ee wasaaradda caafimaadka ayaa yiri:-
“ Kulankeena maanta waxa uu daaranyahay xuska maalinta Dhiikarka Aduunka sidoo kale gabagabada maalinta Dhimirka, waxaa kulankaan looga hadlaa sidii kor loogu qaadi lahaa, loona noolayn lahaa wacyigalinta bulshada ee muhiimada cudurada.“
Abdirisaaq Mohamed Cartan kusimaha agaasimaha Qorshaynta oo ka hadlay ayaa yiri:
“ Waxaan maanta uwada joognaa laba munaasibadood oo isa saaran mida ugu weyna tahay maalinta Dhiikarka oo maalin kasta aduunka laga xuso maanta oo kale, waxaana dadka lagu baraarujinayaa cudurka iyo khatartiisa, sidii la iskaga baari laha loona ogaan lahaa xaalada guud ee caafimaadka.”
Dr Abdilaahi Xuuxuule Guddomiyaha uruurka dhakhaatiirta ee Zone One oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan wasaradda kala soo qaybgalo xuska maalinta Dhiikarka Aduunka oo sida la xusay kamid ah cudurada khatarta ah ee samaynta ku yeesha bulshadeena, haddii qofka uu wadada qaatana ay tahay waxa kaliya ee uu ku xakamayn karo iyadoo sidoo kale muhiim tahay inaan la sahlan ama qofka dawada badalkeeda isku dayin inuu waxyaabo kale sameeyo, taasoo ay dhici karto inuu khatar galiyo naftiisa.”
Abdinaasir Mohamed oo ka socday hayadda WHO ayaa dhankiisa wasaaradda iyo gaar ahaan qaybta cudurada aan faafin ku amaanay qabsoomida munaasibada iyo sida bulshada loo xasuusinayo, waxaana uu xusay in si dhaw ula shaqayn doonaan.
Dr Mohamed Huseen Adan Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntlqnd oo ka hadlay ayaa sheegay in cudurkaan uu kamid yahay kuwa khatarta ugu badan ku keena bulshada dadkuna aysan inta badan masuuliyad iska saarin ogaanshahooda iyo dawayntooda.
Wasiir-dawlaha Wasaaradda Cali Mohamed Cismaan oo munaaibada soo xiray ayaa yiri:-
“ Waxaan mahadcelin siinayaa masuuliyiinta ka socda wasaraadda caafimaadka,iyo masuuliyiinta ka socda hay’addaha caalami ah, maanta sida la sheegay waxaan xusaynaa laba munaasibadood oo kala maalinta Dhiikarka iyo sidoo kale maalinta Cudurka Dhimirka oo isa saaran, Waxaan baraarujinayaa in dadku iska baraan ogadaana heerka uu gaarsiisanyahay haddii laga helana aad dawada qaadatid, sidoo kale dadka xanuunka dhimirka qaba waxaa loo baahnyahay in la ilaaliyo laga warhayo.
Ugu danbeyn Wasiiru dawlaha Cali iyo qaar kamid ah ka soo qaybgalayaasha ayaa iska baaray xanuunka Dhiikarka oo koox dhakhaatiir ay ka baarayeen.
Munaasibada waxaa ka qaybgalay maamulka iyo ardayda machadka caafimaadka Shaafi ee magaalada Garowe .





























DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland