22
Oct
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the children WHO iyo UNICEF, ayaa maanta magaalooyinka Galkacyo, Garoowe iyo Qardho ka daahfurtay ololaha dardargelinta tallaalka.
Ololahan oo socon doona muddo 7-maalmood ah ayaa ka socon doona xarumaha caafimaadka iyo goobo cayiman oo ka mid ah xaafadaha magaalada, tuulooyinka, iyo meelaha fog fog ee ay ku suganyhiin reer Guuraagu.
Tallaalkan ayaa maanta ka bilowday guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Puntland, waxaana qorshuhu yahay in la gaaro in ka badan 200-kun oo qof oo iskugu jira ilmaha 5-sano ka yar, kuwa 5-sano ilaa 15 sano iyo Dumarka ku jira xiliga Dhaqamaadka.






























































DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.