
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save The Children ayaa maanta kaamka Shabeele ee magaalada Qardho ka daah-furtay ololaha Toddobaadka tallaalka adduunka.(Commemoration Of World Immunization)
Laylo Daahir Madaxa caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka gobolka Karkaar oo ugu horayn hadal ka jeedisay ayaa tiri:
““Waan ku faraxsanahay in maanta xarunta caafimaadka ee Kaam Shabeele laga daahfuro olalaha todobaadka talaalka aduunka oo ah xarun ka shaqaysa adeeg caafimaadna siisa hooyada iyo dhalaanka, waxaana ay kamid tahay xarumaha bixiya talaalka, xaruntu waxaa si lacag la’aan ugu dhala hooyada iyadoo la siiyo dhamaan adeegyada caafimaad ee ay ubaahantahay iyada iyo ilmaha.”
Dr Abdirahmaan Yusuf Muuse oo ka socda wasaaradda caafimaadka dhexe iyo Abdirisaaq Ahmed Ismaaciil Meegaag lataliye arimaha talaalada gobolka oo hadalo ka jeediyay ayaa xusay muhiimada talaalku uleeyahay ilmaha iyo hooyada si looga hortago cudurada faafa ee caruurta ku dhaca. Waxayna waalidiinta ku sugnaa madasha usheegeen inay ku dadaalaan talaalka caruurta madaama lacag la’aan yahay.
Abdulaahi Mohamed Cartan isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Karkaar oo ka hadlay ayaa yiri:
“ Waxaan maanta xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka shabeele ka daahfuraynaa xuska todobaadka Ololaha talaalka Aduunka oo nasiib aan uyeelanay in lagu qabto magaalada Qardho, waxaa la rabaa in kor loo qaado wacyigalinta waalidiinta si adeega talaalka ee xarumaha ka socda uga faa’iidaystaan, waxaan xasuusinayaa ilmaha talaalan inuu xaga difaaca cudurada ugu wanaagsanyahay ilmaha aan la talaalin.”
Abdirashiid Ismaaciil madaxa Save the children ee gobolka Karkaat oo ka hadlay daahfurka Ololaha usbuuca talaalka aduunka ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaybgalno munaasibada lagu daahfurayo ololaha todobaadka talaalka aduunka ayna ka daahfurayno kaam Shabeele, Hay’adda Save the children waxay si gaar ah ula shaqaysaa wasaaradda caafimaadka xarumo badan ayay gacanta ku haysaa oo ku yaala gobolada Puntland kuwaasoo iskugu jira talaalka iyo si guud adeegyada cafimaadka. waxaan ognahay ilaa hal malyan iyo laba boqol oo kun oo caruur ah oo soomaliyeed inaysan talaalka qaadan taasoo halis galisa caruurtaas gaar ahaan cuduro badan oo talaalka looga hortagi karay, ugu danbeyn waalidiinta waxaan ka rajaynayaa inay caruurta talaalaan.”
Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka DPL oo olalaha daahfuray ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta kaam shabeele u wada joognaa daahfurka ololaha todobaadka talaalka aduunka, waxaan dhamaanteen ognahay talaalku inuu marxalado kala duwan soo maray waqti waxaa jirta talaalka laga aaminsanaa inuu caafimaadka wax yeelayo ama cuduro la socdaan, waxaanse maanta joognaa wacyigalin la sameeyay wasaaradda, culumada iyo hay’addaha ay kamid yihiin Save the children, in cuduro badan looga hortagay qaarkoodana la cirib tiray sida Polio, waxaan halkaan maanta caruur ku siinay talaalka, waxay noqonaysaa inay dadkii aqbaleen talaalkana qaadanayaan, talaalkuna waa ka hortaga ugu wanaagsan cudurada qaarkood caruurta dila.”
DHAMMAAD-






























XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.