Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI Ayaa tababar uqabatay shaqaalaha caafimaadka qeybta daawada, waxaana uu socon doonaa 3 maalmood kuna saabsan saadaasha iyo sahminta tirada daawada la isticmaalayo (Quantification and forecasting).

Abdifitah Mohamuud Madaxa Saadka iyo Daawada wasaarada caafimaadka oo tababarka ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu leeyahay shaqaalahana kula dardaarmay inay ka faaiidaystaan.
Abdirahman Ibrahim Madaxada Saadka Hay’adda PSI ayaa sidoo kale sharaxay ahmiyadda tababarka sheegayna inuu tababarku ahmiyad gaar ah siinayaa kordhinta aqoonta shaqaalaha daawo-yaqaanka, si kor loogu qaado aqoontooda la xiriirta qaabka sahminta iyo saadaalinta daawooyinka (Quantification and forecasting).
Agaasime Adna Farah Abdulaahi agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo tababarka furtay ayaa uga mahadcelisay PSI dadaalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ay la leedahay wasaarada. Waxayna sidoo kale kula dardaarantay shaqaalaha inay ka faaiideystaan tababarkaan muhiimka ah.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.