Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furtay Tababar looga hadlayey daryeelka ilmaha dhasha iyo sida lo badbaadin lahaa loogalana tacaali lahaa xanuunada ku dhaca wakhiga ay dhashaan (Essential Newborn Care).

13 May

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furtay Tababar looga hadlayey daryeelka ilmaha dhasha iyo sida lo badbaadin lahaa loogalana tacaali lahaa xanuunada ku dhaca wakhiga ay dhashaan (Essential Newborn Care).

Garowe: May 11, 2024 Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furtay Tababar looga hadlayey daryeelka ilmaha dhasha iyo sida lo badbaadin lahaa loogalana tacaali lahaa xanuunada ku dhaca wakhiga ay dhashaan (Essential Newborn Care).
Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxaa ka qaybgalaya shaqaalaha xuramaha caafimaadka gobolka Nugaal, oo isugu jira Dhakhatir, Kalkaaliyal iyo umulisooyin, waxaana uu socon doona muddo Saddex cisho ah.

Dr Mohamed Bashiir oo ka socday hay’adda PSI oo tababarka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo furitaanka tababarka muhiim ah ee loo qabanayo dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ka kala yimif xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal, waxaana maalmaha aad joogtaan ku qaadan doontaan sida loo xanaanayn lahaa loolana socon lahaa ilmaha dhasha caafimaadkiisa si loo yareeyo dhimashada caruurta yaryar, waxaan rajaynaynaa inaad cilmiga aad ka qaadataan kula noqon doontaan xarumaha aad ka timaadeen shaqadiina maalinlaha ahna ku sii horumarin doontaan.”
Dr Abdirashiid Hassan Jamac Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dawaladda Puntland oo tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waan maanta halkaan ka furaynaa Aqoon-iswaydaarsigan muhiimka ah kaasoo lagu qaadan doono sidii loo daryeeli lahaa loona xanaanayn lahaa ilmaha dhasha si loo yareeyo dhimashada caruurta korna loogu qaado caafimaadkooda, wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa markasta ahmiyada koowaad u ah in sida ugu xoogan loo daryeelo loona yareeyo cudurada ku dhaca ilmaha dhasha, waxana rajaynayaa maalmaha aad joogtaan inaad aqoon fiican ka heli doontaan marka aad ku noqotaan xarumihiina shaqadana uga faa’iidaysan doontaan, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI kaalintooda qabsoomida tababarka waxaana rajaynayaa in la kordhiyo.”
“Tababarkan aya qayb ka ah dadaalada ay wadaan Wasaaradda caafimaadka DPL io Saaxiibadeeda Caalimaga ah kuwaas oo lagu yaraynayo dhimashada Dhalaanka”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.