Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta u furtay qeyb ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee gobolka Nugal tababar muhiim ah oo ku saabsan Xakamaynta iyo ka hortaga infekshinka (Infection Prevention Control) iyo maaraynta qashinka Caafimaadka (Medical Waste Management).

11 Feb

Tababarkaan oo soconaya afar maalmood waxaa ka qaybgelaya madaxda xarumaha caafimaadka, kalkaaliyaasha, umulosooyinka, shaqaalaha sheybaarka , qeybta qaliinka ee xarumaha bixiya adeegayada caafimaadka sida isbitaalada (Hospitals) Xarumaha Caafimaadka (HC) iyo Baraha caafimaadka (PHU)

Madaxa Saadka Hay’adda PSI Cabdirahxmaan Ibraahim oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa shaqaalaha kala hadlay ahmiyadda tababarkaan oo ah badbaadada Shaqaalaha Caafimaadka, Bukaanka iyo Deegaanka, sidoo kale wuxuu xusay in ujeedooyinka tababarkaan loo qabtay ay tahay in la helo shaqaale caafimaad oo leh xirfadaha lagu xakameeyo loogana hortago faafinta infekshinka, maaraynta qashinka ka dhasha adeegyada caafimaad ee xarumuhu ay bixiyaan iyo in si xirfadaysan loo maamulo iyadoo loo marayo habraacyada kala duwan ee loo diyaariyey

Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ee wasaarada Caafimaadka ah Mr. Cabdirisaaq Abshir Xirsi oo tababarka furay ayaa isna ku bogaadiyey shaqaalaha inay ka faaiidaystaan fursada qaaliga oo macalimiinta khibrada u leh ay bixinayaan casharada wuxuuna kula dardaarmay inay ku dabaqaan xarumahooda cilmiga iyo xirfada ay bartaan una sii gudbiyeen shaqaalaha kale ee xarumaha jooga.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.