Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ku soo gebegabaysay tababar ujeedkiisu ahaq in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka iyo la tacaalida xaaladaha deg deg ah xilliga Umusha (BEmONC).

24 Nov

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ku soo gebegabaysay tababar ujeedkiisu ahaq in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka iyo la tacaalida xaaladaha deg deg ah xilliga Umusha (BEmONC).

Garoowe, Nofeembar 23, 2024: Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ku soo gebegabaysay tababar ujeedkiisu ahaq in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka iyo la tacaalida xaaladaha deg deg ah xilliga Umusha (BEmONC).

Tababarkan oo soconayay Mudo 7 Berri ah looguna Talalagaly Shaqaalaha ka Howl gala Xarumaha Gobolka Nugaal ayaa Waxaa So Xiray Masuliyiin ka kala socotay Wasaarada Caaafimaadka xarunta dhexe gaar ahaan Hooyada, Dhallaanka iyo Taranka (RMNCH) iyo Ha’ada PSI. Ayago Kula Dardaarmay Shaqaalaha in ay sii wadaan dadaalka ay wadaan laba jibaaraana shaqada ay u hayaan bulshada xirfadaha la barayna ay uga faaiideeyan uguna adeegaan Bulshada sido kalana ay gaarsiiyaan saxiibadooda ay shaqa Wadaaga yihiin.

Dr Mohamed Bashiir oo ka socday hay’adda PSI oo tababarka xiritaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo Xiritaanka tababarkan muhiimka ah ee loo qabanayo dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ka kala yimid xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal, waxaana maalmaha ay joogeen ku qaateen sida loo xanaanayn lahaa loolana socon lahaa hooyayda iyo ilmaha dhasha caafimaadkiisa si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo caruurta yaryar, waxaan rajaynaynaa inaad cilmiga aad ka qaadateen kula noqon doontaan xarumaha aad ka timaadeen shaqadiina maalinlaha ahna ku sii horumarin doontaan.”

Fardowso Ahmed Sugulle oo ah Midwifery Specialist Qaybta Hooyada, Dhallaanka iyo Taranka (RMNCH) Wasaaradda Caafimaadka ayaa tiri

“ Waan maanta halkaan kuso Xiriaynaa Tababar muhiim ah kaasoo lagu qaatay sidii loo daryeeli lahaa loona xanaanayn lahaa hooyada iyo ilmaha xilliga ay jiraan xalladaha deg deg ah si loo yareeyo dhimashada hooyada iyo caruurta korna loogu qaado caafimaadkooda, wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa markasta ahmiyada koowaad u ah in sida ugu wanaagsan loo daryeelo loona yareeyo cudurada ku dhaca hooyada iyo ilmaha dhasha, waxana rajaynayaa maalmahi aad joogteen inaad aqoon fiican ka hesheen marka aad ku noqotaan xarumihiina shaqadana uga faa’iidaysan doontaan, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI kaalintooda qabsoomida tababarka waxaana rajaynayaa in la kordhiyo tababrada noocaan ah loona dhamystiro xarumaha wixii baahiyo ah ee taagan.”

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND