Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ka Furtay tababar ujeedkiisu yahay in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka Dhallaanka

05 Dec

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ka Furtay tababar ujeedkiisu yahay in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka Dhallaanka

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ka Furtay tababar ujeedkiisu yahay in la baro howlwadeenada Caafimaadka daryeelka Dhallaanka(Essential Newborn Care Phase II)

Tababarkan oo ah kii labaad oo noociisa ah oo loo qabto Shaqaalaha ka Howl gala Xarumaha Gobolka Nugaal ayaa Socon Doona Muddo Saddex Bari ah. Tababarka Waxaa Furay Masuliyiin ka kala socotay Wasaarada Caaafimaadka Gaar ahaan Xafiiska Caafimaadka Gobolka Nugaal iyo Ha’ada PSI. Ayago Ku booriyaya Shaqaalaha in ay ka faaiidaystaan xirfadaha la barayo dibna ugu celiyaan Bulshadi iyo Xarumuhi ay ka yimaadeen

Dr Mohamed Bashiir oo ka socday hay’adda PSI oo tababarka Furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo Furitaanka tababarkan loo qabanayo dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ka kala yimid xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal, waxa ayna maalmaha ay joogan ku qaadan donaan sidi loo xanaanayn lahaa loona daryeeli lahaa dhallaanka si looga hortago dhimashada dhallaanka loona xoojiya aqoonta iyo xirfada shaqaalaha ka howlgala Xarumaha.”

Yusuf Madaxa Shaqada iyo shaqaalaha Xafiiska caafimaadka Gobolka Nugaal oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri

“ waxaan kula talinayaa shaqaalaha xarumaha caafimaadku in ay ka faaiidaystaan fursadaan oo ay u dhug yeeshaan casharada iyo xirfadaha la bixinayo inta uu socdo Tababarku si marki ay shaqaaluhu xarumaha tagaaan u dhaqan galiyaan xirfadihi ay siyaadsadeen “

Mohamed Jamac Qorile Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal oo si rasmi ah u furay tababarka ayaa yiri:-

“ Waxaan alle uga mahadcelinaya inu inoo suurta galiyay qabsoomida tababarka waxaana ku faraxsanahay inan kasoo qayb galo furitaanka Tababarkan muhiimka ah kaasoo lagu qaadan doono sidii loo daryeeli lahaa dhallaanka. Waxaan ku boorinaya saaxiibada Wasaarada in ay soo Badiyaan Tababarada noocaan ah maadama ay faaido wayn u leeyihin Bulshada.Xafiiska Caafimaadka Gobolku wuxu mar walba u taagan yahay sidii shaqaalaha xarumaha jooga ay u ahaan lahayeen ku leh xirfad heerkeedu sarayso si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo wax ku ool ah.”

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND