Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qeybta Cuduradda-aan-faafin (Non-communicable Diseases-NCD) ayaa maanta kulan ay yeesheen ku ansixiyay qiimayn ku saabsanayd adeegyadda caafimaad ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin Iyo Baahiyaha gaarka ah ee Isbitaaladda Iyo xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.

16 Nov

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qeybta Cuduradda-aan-faafin (Non-communicable Diseases-NCD) ayaa maanta kulan ay yeesheen ku ansixiyay qiimayn ku saabsanayd adeegyadda caafimaad ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin Iyo Baahiyaha gaarka ah ee Isbitaaladda Iyo xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.

Garowe 7 November 2024: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qeybta Cuduradda-aan-faafin (Non-communicable Diseases-NCD) ayaa maanta kulan ay yeesheen ku ansixiyay qiimayn ku saabsanayd adeegyadda caafimaad ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin Iyo Baahiyaha gaarka ah ee Isbitaaladda Iyo xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.

Shucayb Axmed Madaxa qeybta Cuduradda-aan-faafin (Non-communicable Diseases Unit) Ee Wasaaradda CaafimaadkaDPL oo furitaanka kulankan ka hadlay ayaa yiri :-

“ Waxaan dhamaan kasoo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa inay maanta nagala soo qaybgalaan ansixinta qiimayntan, taas oo daaran in lagu hubiyo adeegyadda caafimaad ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin sida (i.e Diabetes, Hypertension, Cancer, Cardiovascular Diseases, Chronic Respiratory Diseases e.t.c) Iyo Baahiyaha gaarka ah.”

“ Qiimayntan oo ay horay wasaaradda Iyo hay’adda PSI u wadda fuliyeen ayaa maanta lagu lafa-guray xogihii laga soo uruuriyay xarumaha gobolka Nugaal ee uu ka shaqeeyo mashruuca Damal Caafimaad si loo hubiyo xaddiga adeeg bixinta Isbitaaladda Iyo xarumaha ee Cuduradda-aan-faafin Iyo Baahiyaha gaar ka ah, waxaa kasoo qaybgalay shirka ansixinta madax qaybeed yadda wasaaradda iyo Hay’adaha Caalamiga ah Ee La shaqeeya Wasaarada Caafimaadka PL.”

” Mohamud Hussein, maddaxa Qiimaynta Iyo Dabaggalka (M&E manager) hay’dda PSI, ayaa bogaadiyay ansixinta qiimayntan oo ay hay’adda Iyo wasaaraddu mudo dheer ka soo wada shaqaynayeen, Mohamud ayaa hadalkiisa ku daray ahmiyadda ay leedahay in la ansixiyo qiimayntan taas oo dardargelinaysa adeegayada ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin Iyo Baahiyaha gaarka ah”

Abdirisaq Abshir Xirsi Agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasigga ah ee wasaaradda caafimaadka DPL oo ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan uwada fadhino maanta ansixinta qiimayntan oo ku saabsan adeegyadda caafimaad ay helaan dadka qaba Cuduradda-aan-faafin iyo Baahiyaha gaarka ah. waxaan ka dharag sanahay in Cuduradda-aan-faafin ay soo badanaayaan, oo ay si baaxad leh u saamaynayaan dhamaan qaybaha bulshada, muddadii hore waxaa xoogga la saari jiray xanuunnada dhimirka, maantase waxaan bogaadinaaya in si wadajir ah loo wadda wajaho dhammaan Cuduradda-aan-faafin”

Agaasimaha Qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo shirkaan muhiimka ah ee lagu xoojinayo adeega ay helaan dadka qaba cuduradda-aan-faafin iyo Baahiyaha gaarka ah, waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid horay usocda.”

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.