Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Gaar ahaan Qaybteeda Saadka iyo Daawooyinka (PSM) ayaa maanta Qabatay shir ku saabsan dib u eegista ddeegyada Caafimaadka taranka iyo daawooyinka Ee ka socoda Xarumaha Caafimaadka.

09 Dec

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Gaar ahaan Qaybteeda Saadka iyo Daawooyinka (PSM) ayaa maanta Qabatay shir ku saabsan dib u eegista ddeegyada Caafimaadka taranka iyo daawooyinka Ee ka socoda Xarumaha Caafimaadka.

Garoowe: 08-December-2024 :- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Gaar ahaan Qaybteeda Saadka iyo Daawooyinka (PSM) ayaa maanta Qabatay shir ku saabsan dib u eegista ddeegyada Caafimaadka taranka iyo daawooyinka Ee ka socoda Xarumaha Caafimaadka.

Shirkan oo socon doono laba maalmood, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo muhiim ah oo la xiriira bixinta iyo saadka daawooyinka loogu talagalay hooyooyinka, iyo taranka, iyo sidoo kale baahiyaha caafimaad ee jira.

Mr Cabdifitaax Maxamed Madaxa Saadka iyo Daawooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo ka hadlay shirka, ayaa sheegay in muhiimadda shirka lagaga hadlayo ay tahay siddii loo horrmarin lahaa saadka daawadda Taranka iyo hooyada iyo soo bandhigid wixii noo qabsoomay sanadka 2024 iyo qorshaha 2025.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la isku xirnaado xogta saadka daawooyinka iyo baahiyaha guud ee adeegyada caafimaad, si ay wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwani uga wada shaqayn lahaayeen baahiyahaas jira.

Samiira Cismaan oo Kascotay Hayada UNFPA Ayaa iyaduna hadal kooban ka tiri shirka waxayna tilmaantay muhiimada uu leeyahay Sheegtayna In Uu Yahay Mid Sanadkiiba Mar Laqabto La Iskuguna Keeno Dhaman Hayada Kashaqeeya Caafimaadka iyo Madaxda Gobolada Sii Looga Munashiqooda Adeegyada Ay Bixiso Hayada UNFPA Oo Kashanaysa Wasaarada Caafimaadka Si Loo Hubiyo Tayada Adeeg Bixinta Iyo Lasocodka Hadba Meesha Uu Marayo Haday Caqabada Jiraan Iyo Sida Loo Xalinayo

Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda oo shirka furay ayaa yiri:-

“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo shirkaan muhiimka ah ee idiin socon doona labada maalmood ee soo socda, waxaa loo baahanyahay in la qaado tallaabooyin lagu horumarinayo saadka daawooyinka, maadaama ay jiraan caqabado badan oo ku saabsan helitaanka saadka caafimaadka ee dalka, waxaan sidoo kale in hooyoyinka ay helaan adeegyo caafimaad oo buuxa si looga hortago dhibaatooyin caafimaad.”

Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Caafimaadka Asaasiga, Mr. Abdirisaaq Abshir Xirsi, Madax Qaybeedayada Wasaarada Qaarkod Saraakiisha Saadka Xogta Gobolada Pl ,Shaqalaaha Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda iyo Dhaman Hayada lashaqeeya Wasaarada Caafimaadka Puntland

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.