Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Nadaafadda iyo Faya- dhawrka (Wash) ayaa maanta qabatay maalinta maalinta faraxalka Adduunka oo ku astaysan 15-Oktoobar sanadka kasta adduunka oo dhan laga xuso.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Nadaafadda iyo Faya- dhawrka (Wash) ayaa maanta qabatay maalinta maalinta faraxalka Adduunka oo ku astaysan 15-Oktoobar sanadka kasta adduunka oo dhan laga xuso.
Munaasibada ayaa dadka lagu xasuusiyaa loogana wacyigaliyaa sidii markasta la iskaga ilaalin lahaa jeemiska gacmaha ay yeeshaan loona badin lahaa dhaqashada gacmaha.
Niciimo Nuur madaxa qaybta Nadaafada iyo faya- dhawrka (Wash) wasaaradda caafimaadka oo ka hadashay munaasibada ayaa tiri—
“ Maanta waxaan iskugu nimid maalin wayn lkn bulshadeenu aysan ku wacyigalsanayn una qabaan wax fudud waxaana dhamanteen wada ognahay in markasta oo la wayso qaadanayo laga bilaabo gacmaha in la dhaqo, sidoo kale waxaa aduunka dhan la isku raacsanyahay cudurada ugu badan inay ka dhashaan gacmaha oo aan si fiican loo dhaqin.”
“Wasaaradda caafimaadka qaybtayada waxaan ka shaqaynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigalinta bulshadeena looguna baraarujin lahaa muhiimada ay leedahay in gacmaha la dhaqo.”
Elizabeth madaxa qaybta fayadhawrka hay’adda Unicef oo ka hadashay ayaa tiri:-
“ Waxaa sharaf noo ah inana iskugu nimaano maalinta faraxalka aduunka oo sanadkasta maanta oo kale aduunka looga dabaaldago oo sanadka la isla qaatay hal ku dhiga ah ( Maxay gacmaha nadiifka ah wali muhiim uyihiin, horumar balaaran ayaa laga sameeyay sidii dadka loo wacyigalin lahaa dad badan ayaana hadda ku baraarugsan, waxaanse ogahay in wali wax badan dhimanyihiin loona baahanyahay in la iska kaashado si loo wada gaaro, wali waxaa jira dad badan oo aan ku baraarugsanayn muhiimada ay leedahay in lagu dadaalo fara dhaqashada wanaagsan. Sanadka waan qabanaa maalinta faradhaqq lkn wali dadkeena qayb ka mid ah kuma baraarugsana sidaan wada ognahay covid marka uuu aduunka ka dilaacay waxaana ka mid ah waxyaabihii looga badbaaday faraxalka, sidoo kale dhawaan waxaa Puntland ka dilaacay cudurka shubanka oo isaguna waxaa keena nadaafad daro ka jirta gacmaha ama cudurada gacmaha ayaa ka dhasha.”
Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey lataliyaha madaxweynaha caafimaadka oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaa 14 bishii Augsot 2008 ayaa General Assembly la isku raacay in 15 October loo aqoonsado maalinta faraxalka aduunka, jeermisku waxa uu gacmaha ku noolaan karaan ilaa 3 saacadood, waxaa muhiim ah in waqti kasta gacmaha dhaqidooda la badiyo waliba saabuun in lagu faradhaqdo ayaa ka wangsan in biyaha kaliya lagu dhaqo, dhanka caafimaadka xanuunada bini aadamka ku dhaca 65% waxay ka dhashaan gacmo aan nadiif ahayn, xanuunada ugu badan ee ilmaha soomaliyeed dila waa cudurka shubanka oo ka yimaada sida la isku raacsanyahay nadaafad la’aan, haddaba sababa aan soo sheegay oo dhan ayay muhiim utahay in gacmaha la dhaqdo waliba shaambo ama saabuun lagu dhaqo.”
Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan rabaa inaan is xasuusino maalintaan inay kamid tahay maalmaha caalami ah ee aduunka laga xuso anagana waxay noogu jirtaa maalmaha ugu weyn ee aan qabano si kor loogu qaado wacyiga bulshada laguna baraarujiyo muhiimada uu leeyahay in gacmaha la nadiifiyo ama la dhaqo, waxaan rajaynayaa in maalinta si weyn looga wada qayb qaato kor uqaadia nadaafada guud ahaan gaar ahaan mida gacmaha”
Mudane Siciid Jamac Qorasheel oo munaasibada hadalka ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta iskugu nimid sidii aan uweynayn lahayn una muujin lahayn muhiimada ay leedahay dhaqashada gacmaha iyo nadiifintooda oo ah furaha nadaafada guud ahaan, dadka waxaa dhici karta in qaybo kamid ah u arkaan wax sahlan in maanta oo kale la qabto lkn waxaan makhraati ka ahayn cudurkii Covid 19 waxyaabihii ugu weynaa ee dadka la faray ayay ahayd in gacmaha la nadiifiyo, waxaa sidoo kale muhiim ah in fariinta la gudbiyo oo bulshada oo dhan la gaarsiiyo sidoo kalena xarumaha dawlada ee kale in lagu casumo gaar ahaan dawlada hoose oo iyagu muhiim u ah nadaafada iyo fayadhawrka ee aysan ku koobnaan oo kaliya wasaaradda caafimaadka.”
“ Waxaan sidoo kale bogaadinayaa in madaxda fayadhawrka ee hay’adda Unicef ay qirayaan in wax badan laga qabtay fayadhawrka iyo nadaafada waxayse sheegtay in wali loo baahanyahay in la sii kordhiyo logana sii dhawaado.”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel, agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig, lataliaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha Puntland Aids Commission ahna khabiir dhanka nadaafada iyo fayadhawrka Abdiqaadir Burburshe iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaraadda caafimaadka iyo masuuliyiin ka socday UNICEF ayaa ka soo qaybgalay.
Xuska maalinta farxalka aduunka waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND