
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Cudurada-aan-faafin (Non-communicable Diseases-NCD) ayaa maanta qabatay Maalinta Kansarka Adduunka (World Cancer Day) oo sanad walba la xuso maanta oo kale adduunka laga xuso
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Cudurada-aan-faafin (Non-communicable Diseases-NCD) ayaa maanta qabatay Maalinta Kansarka Adduunka (World Cancer Day) oo sanad walba la xuso maanta oo kale adduunka laga xuso.
Shuayb Axmed Madaxa qaybta Cuduradda-aan-faafin (Non-communicable Diseases Unit) Ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo furitaanka kulankan ka hadlay ayaa yiri :-
“ Waxaan dhammaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa inay maanta nagala soo qaybgalaan Maalinta Kansar Adduunka oo caalamka oo dhan laga xusayo maanta oo kale, waxa uu sheegay in adduunka oo dhan uu khatar ku hayo cudurkan dalkeenana beryahan ugu danbaysay uu ku soo badanayo, wasaaradda oo ka duulaysa helitaanka xogta rasmi ah ee cudurka iyo noocyada ugu badan waxay baraha bulshada ku baahisay xog uruurin wali aan dhamaan lkn socota waxaana xogta horudhaca ah ay sheegaysaa in noocyada ku dhaca dhuunta iyo burustaatka ay yihiin kuwa ugu badan dalkeena.“
waxaan u mahadcelinayaa hay’ada PSI oo tageertay in maalinkan muhiimadda leh ay qabsoonto Iyo hay’adaha caalamiga ee jooga xafladan, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya cisbitaalada gaarka loo leeyahay qaarkood oo ku soo bandhigi doona warbixinada la xiriira cudurka iyo samaayntiisa iyo dhakhatiirta oo bulshada la wadaagi doona halista cudurka iyo sida ugu wangsan ee looga hortagi karo”
Dr Maxamed oo ka socday hay’adda PSI ayaa sidoo kale bogaadiyay muhiimadda ay maalinkani leedahay wasaaradu dhamaan ay dabagal iyo xog uruurin sax ah ka hesho cudurkaan iyo waxyabaha laga qaado iyo sidii loo heli lahaa baaritaan ugaar ah oo lagu ogaanayo.
Dr Maxamed Maxamuud Xiddig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntlnad oo shirka gabagabadii ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay bogaadinayaana qabsoomida maalinta muhiimka ah ee cudurka Kansarka oo dunida oo dhan khatar ku haya dalkeenana waqtiyadii ugu danbeysay dad badan oo aan jeclayn ugu dhinteen, waxaan bogaadinayaa qaybta cudurada aan faafin ee wasaraadda xog uruurin ay wado waxaana rajaynayaa in natiijada ka soo baxda wasaraddu ay soo bandhigi doonto si bulshada looga wacyigaliyo looguna baraarujiyo halista cudurka, waxaan umahadcelinayaa dhakhaatiirta iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay oo iyaguna nala wadaagay khibradooda iyo halista cudurka waxaan rajaynayaa sanadka sanadkiisa inaan maalintan oo kale xusi doono inaga oo xog dhamaystiran ka haysana.”
DHAMMAAD-










































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.