Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta caafimaadka guud iyo xaaladaha degdegga ah ayaa u qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha 20 xarumood oo ku yaaala gobolka Nugaal.

24 Dec

Tababarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Eyl, Burtinle Garowe iyo Dongoroyo, waxaana lagu tababarayaa App lagula soconayo cudurada kala duwan loogana jabaayoh si si degdeg ah “ Integrated disease surveillance and Respond (IDSR)”

Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa tababarka furay:-

“ Waxaan maanta uwada joognaa tababar muhiim u ah shaqada joogta ah ee ka socota wasaaradda gaar ahaan qaybta dabagalka iyo la socoshada cudurada ee wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaan rajaynayaa shaqalihiina ka socda degmooyinka gobolka inaad aqoonta aad ka qaadataan iyo appkan cusub ee la idinku tababarayo fahantaan shaqada la idinka rabana ku qabataan. Sanad kasta waxaa Puntland ka dilaaca cuduro kala duwan oo inta badan samayn ku yeesha nolosha caruurteena iyo guud ahaan bulshadeena marka waxaa masuuliyad inaga saarantahay sidii aan ula socon lahayn ugana jawaabi lahayn.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa qaybta dabagalka cudurada iyo xaaladaha degdega ah ee wasaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan waana ku amaanayaa, shaqada ay hayaan sidoo kale hay’addaha wasaraadda la shaqeeya.”

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment