Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Dr Cabdulaahi Siciid Awmuuse agaasimaha shaqada ka tegaya ee cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

09 May

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Dr Cabdulaahi Siciid Awmuuse agaasimaha shaqada ka tegaya ee cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Garowe, May,08, 2024: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xaflad sagootin ah u qabatay Dr Cabdulaahi Siciid Awmuuse agaasimaha shaqada ka tegaya ee cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.
Wasiirka wasaradda Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xassan Jaamac iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, la taliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (Dhagaweyne) agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud, agaaismayaasha wasaaradda,dhakhaatiir boqor Axmed Boqor Abdulaahi King Kon iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay xaflada sagootinta Dr Cabdulaahi Siciid Awmuuse.

Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaraadda oo ugu horayn munaasibadda ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxa farxad weyn noo ah inaan munaasibadan iskugu jirta mahadcelin iyo sagootin iyo sharfid uqabato Dr Abdulaahi Siciid Awmuuse oo shaqada ka tagaya mudo dheerna ka soo shaqaynayay cisbitaalka magaalada Boosaaso iyo guud ahan caafimaadka Puntland, waxaan ogahay inaan si fudud loo heli doonin cid booska aad banaynayso buuxin kara anigoon meesha ka saarayn inay joogaan dhalinyaro dhakhaatiir ah iyo kuwa maamulka bartay hadana waxaad dheertahay khibrada iyo waayeelnimada.”
Mohamed Timajilic maamulaha cisbitaalka Boosaaso ayaa ka waramay shakhsiyada agaasimaha Dr Abdulaahi Osman Awmuuse waxaana uu ku sifeeyay waalid masuul waaya arag shaqo yaqaan ilaa 1999 ilaa 20204 soo maamulay cisbitaal ku yaala magaalada ugu dadka badan Puntland shaqooyin baaxadleh ka qabtay waxaana uu xusay inaan la ilaawi doonin adeegii uu bulshadiisa ugu soo adeegay dhakhtarnimo ahaan iyo maamul ahaanba, waxaa uu urajeeyay mustaqbal wanaagsan.
Dr abdirahmaan Siciid Gacamey Dhagaweyne lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka horayna usoo noqday agaasimaha Guud iyo wasiirka waaradda caafimaadka oo ka hadlay munaasibada aya qiray qofnimada iyo waya aragnimada iyo sida hal adayga leh ee uu ugu so shaqeeyay bulshadiisa waxaana uu uga mahadceliyay sida uu waqti adag u aqbalay inuu maamulo cisbitaalka horumar dhamaystirana gaarsiiyay, waxaa uu wasiirka iyo wasaaradda uga mahadceliyay sida ay umaamuuseen Dr Abdulaahi Osmaan Awmuuse uguna mahadceliyeen adeegii uu mudada dheer soo waday.
Dr Abdulaahi Siciid Awmuuse agaasimaha shaqada ka sii tagaya ee cusbitaalka magaalada Boosaaso oo munaasibada lagu soo dhaweeyay ayaa yiri:-
“ Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland iyo guud ahaan shaqaalaha wasaaradda waxaan uga mahadcelinayaa munaasibada quruxda badan ee aad igu maamuusteen, ma is lihi wax weyn ayaad qabatay oo lagugu amaano lkn waxaan ogahay inaan xilkii la ii dhiibay dayicin dhayalsana oo aan uga soo baxay sidii ugu wanaagsanayd, waxaan rajaynayaa masuulka loo dhiibi doono ee i badali doonana inuu shaqada halkeeda ka sii wadi doono, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa shaqaalihii iyo maamulkii ila soo shaqeeyay mudada aan joogay waxaan isleeyahay waxa qabsoomay kaligay ma qaban lkn wadajir ayaan uwada qabanay, waxaan wasaradda kala sii shaqayn doonaa waxkasta oo ay iga baahdaan si loo hormariyo caafimaadka Puntland.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo munaasibada kalmadii xiritaanka ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo agaasimaha guud munaasibada maanta ay ku maamusayaan agaasimaha cisbitaalka Boosaaso Dr Abdulaahi Siciid Awmuuse oo aan ogahay qofkasta oo reer Puntland ahna uu qirsanyahay shaqada uu qabtay iyo dadaalka uu sameeyay lana rabo in isaga iyo dadka la mid ah dhaxal laga reebo.”
“ Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha iyo kayga waxaan leeyahay waad mahadsantahay, taariikhdu waxay ku fiicantahay in qofka inta uu noolyahay la xuso wanaagiisa laguna weyneeyo, Dr Abdulaahi waxa uu dalkaan usoo shaqeeyay xili adag dalkuna ubaahnaa in isaga iyo dadka la mid ah la helo. Waxaan rajaynayaa in meesha uu keenay laga sii amba qaado shaqada socotay lagana sii hormariyo.”
“Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa inuu muujiyay in waqti dheer kadib isaga ka timaado inuu xilka loo dhiibay iska celiyo waana dhaqan aan soomalida ku badnayn taas badalkeeda qofka ama uu ku dhinto ama laga qaado, waxaan ugu magacdari doonaa xarumo muhiim ah si loo sii xasuusnaado magaciisana uusan meesha uga bixin.”
Wasiirka ayaa ugu danbeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay Dr Abdulaahi Siciid Awmuuse.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.