Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Warshad Oxygen geysey Magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan.
Dhahar: 23 Oktobar 2024: Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Warshad Oxygen geysey Magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan.
Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaraadda Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayna ku weheliyeen wasiiru-dowlaha Axmed Shiikh Faarax, la taliyaha Madaxweynaha Caafimaadka Dr Cadiraxmaan Siciid Gacamey, Agaasimaha Qorshaynta Mudane Idiris Cabdulaahi Maxamed, Drs. Tufaax Maxamed Ducaale iyo Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa safar shaqo ku tegey Magaalada Dhahar ayaa maamulka Gobolka, Degmada iyo Isku-Duwaha Caafimadka ku wareejiyey Warshad Oxygen oo loogu talagalay in logu adeeggo Bulshada, Gobolka Hayland iyo deegaanada ku dhow-dhow.
Maamulka Degmadda odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmadda Dhahar ayaa soo dhaweeyey keenida Warshada oo baahi badan loo qabay waxayna uga mahadceliyeen madaxda Wasaraadda Caafimaadka inay markii ugu horaysay Warshad Oxygen laga hirgaliyo, tan oo daba socotay ka jawaabida baahiyaha ay bulshada deegaanka la wadaageen Safar shaqo oo uu Wasiirka Wasaarada Cafimadka iyo Golasha xukumadu ku tageen 14 September 2024.
Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiir wasaaradda caafimaadka Puntland oo si rasmi ah warshada u wareejiyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo ama aan maanta iskugu nimaano wareejinta warshada Oxygenta oo maanta aan soo gaarsiinay degmadda Dhahar ee gobolka Haylaan, waxayna qayb ka noqonaysaa adeega bulshada caafimaadkooda kor loogu qaadayo looguna soo dhawaynayo, warshadan ayaa waxay haqabtiri doontaa baahida Oxygen ee Gobolka Haylaan iyo degeenada ku dhaw dhaw taasoo meesha ka saari doonta baahida loo qabo.”
“Warshadan ayaa qayb ka noqonaysa warshado horay looga hirgaliyay deegaanada Puntland kuwaasoo loogu talagalay inay yareeyaan baahida Oxygen ee ka jirta Gobolada Puntland qorshaha Wasaraadda ayaana ah in dhamaan Gobolada la dhigo Warshado Oxygen si Gobol kasta isku filnaansho ugaaro, waxaan uga mahadcelinayaa cid kasta oo naga caawisay helitaanka warshadahan.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.