Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay ulana wareegtey Nidaamka Maareynta Macluumaadka Shaqaalaha (HRMIS), kaas oo markii ugu horreysay si buuxda loogu sameeyey qaab online ah oo casri ah. Nidaamkan ayaa si rasmi ah uga howlgelaya xarunta dhexe ee wasaaradda iyo dhammaan xafiisyada caafimaadka ee gobollada Puntland.
Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka, Adna Cabdullaahi Faarax, oo hadalka furtay, ayaa sheegtay:
“Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta la wareegno nidaamkii ugu horreeyay ee casri ah oo online ku shaqeynaya, kaas oo si buuxda u kaydin doona dhammaan xogta shaqaalaha – laga bilaabo aqoontooda, qeybaha ay ka tirsan yihiin, illaa fasaxyadooda. Tani waa guul weyn oo u bilaabanaysa horumarinta nidaamka shaqaalaha.”
“Nidaamkan HRMIS-ka ah waxaa dhisay shirkadda Merit, iyadoo taageero ka helaysay hay’adda PSI, waxaana maanta si rasmi ah loogu wareejiyey wasaaradda.”
Burhaan Xasan, oo matalayay shirkadda Merit, ayaa sheegay:
“Waxaan maanta ku faraxsanahay in aan wareejinno nidaam casri ah oo fududeyn doona maamulka xogta shaqaalaha. Nidaamkan wuxuu ka kooban yahay dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka ah ee shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna fududeyn doonaa qiimeynta iyo maamulka shaqo ee gudaha wasaaradda.”
Abdiqani Xirsi oo ka socday hay’adda PSI ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qaybgalo wareejinta nidaamka maamulka xogta shaqaalaha caafimaadka wasaaradda caafimaadka Puntland oo ay ka wada shaqaynayeen wasaaradda iyo hay’adda PSI ayna samaynaysay shirkada Merit laguna guulaystay in la dhamaytiro maantana la joogo wareejintiisi iyo dhaqangalintiisa.”
“Hay’adda PSI waxay sidoo kale gacanta ku haystaa in la dhiso nidaamyo cusub oo xogta lagu kaydinayo taasoo horumarin doonta helitaanka xogta caafimaadka. Waxaan wasaraadda guud ahaan iyo gaar ahaan qaybta shaqada iyo shaqaalaha ay udhaqan galin lahaayen nidaamkaan ugana shaqaysiin lahaayeen.”
Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa isna sheegay:
“Waxaan goobjoog u nahay dhammaystirka barnaamij muhiim u ah maamulka casriga ah ee shaqaalaha. Tani waa tallaabo ka mid ah sidii aan ula jaanqaadi lahayn nidaamka horumarsan ee caalamka, wax badan ayuuna ka beddeli doonaa habka shaqo iyo maamulka shaqaalaha ee wasaaradda.”
Ugu dambeyn, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Hon. Axmed Sheekh Faarax, ayaa ka yiri:
“Tani waa guul weyn oo u qoran horumarka wasaaradda caafimaadkaPuntland. Waxaa la dhammeystiray nidaam dhammaan adeegyo muhiim ah daboolaya, waxaana bogaadin gaar ah u dirayaa waaxda shaqada iyo shaqaalaha. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in nidaamkan si dhab ah loogu shaqeeyo, lana dareemo isbeddel dhab ah oo dhanka shaqaalaha iyo hufnaanta shaqada ah.”
DHAMMAAD-



















































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.