
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah, munaasibada waxaa soo qaban qaabiyey xafiiska GBV/ FGM.
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah, munaasibada waxaa soo qaban qaabiyey xafiiska GBV/ FGM.
Dr Shiikh Cabdinaasir Jaama Warsame oo xaflad kalmad wacyigelin iyo baraarujin ah ka soo jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo iguna martiqaadaan munaasibadan muhiimka ah ee lagu badbaadinayo nafta iyo caafimaadka gabdhaha soomaaliyeed, gudniinka fircooniga ah waa nooca ugu khatarsan ee ku dhaca dumarka kuna sababa samayn maskaxeed iyo mid jismi ahaaneedba. Diinteena islaamka iyo dhaqankeena suuban meelna kagama sugna gudniinka waxyeeleeya gabdhaheena waxaana ka wasaaradda caafimaadka ahaan iyo ka dawlad ahaanba la rabaa in meel looga soo wada jeesto si loo badbaadiyo gabdhaha soomaliyeed.”
Rooda Maxamuud Madaxa FGM/ GBV wasaaradda caafimaadka Puntland oo xaflada hadal ka jeedisay ayaa tiri:-
“ Waxaan maanta uwada fadhinaa inaan joojino lana ciribtiro gudniinka fircooniga ah kaasoo si xun u saameeya caafimaad ahaan, nafsad ahaan haweenkeena , wasaaradda caafimaadka Puntland iyadoo gudanaysa waajibaadka ka saaran caafimaadka Bulshada waxaa ka go’an in la ciribtiro lana soo afjaro dhaqan caadeedkan xun si loo badbaadiyo hablaha yaryar. Waxaan rajaynayaa in bulshadeena inta wali dhaqankaan sii haysta aan wacyigooda kor uqaado kuwa dhibaateeya gabdhahana sharciyo la tiigsano, meelna kagama jiro gudniinka fircooniga ah diinteena iyo dhaqankeena sidoo kale xeerarka inoo qoran waa mamnuuc qofka sameeyana danbi ku mudanayo.”
Adna Cabdulaahi Faarax Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland oo munaasibada ka hadashay ayaa tiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa Roodo iyo qaybteeda FGM xafladan ay soo qaban qaabiyeen taasoo muhiim u ah caafimaadka bulshadeena qaybta ugu balaaran ee gabdhaha laguna badbaadinayo nafsadooda iyo caafimaadkooda.”
“Wasaraadda caafimaadka waxay markasta muhiimadaha koowaad u ah badbaadada nafta iyo caafimaadka bulshadeena waxaana rajaynayaa in la ciribtiri doono meelaha uu ka jirana laga joojin doono.”
DHAMMAAD






















































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.