Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo gagabaysey shirka Qiimaynta qaboojiyaha tallaalka (GHMM VSN9.1) ee intii u dhaxaysey 5–7 May 2026, ka socday Martisoor Hotel ee magaalada Garoowe.

07 May

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo gagabaysey shirka Qiimaynta qaboojiyaha tallaalka (GHMM VSN9.1) ee intii u dhaxaysey 5–7 May 2026, ka socday Martisoor Hotel ee magaalada Garoowe.

Qiimayntan oo ahayd mid muhiimad gaar ah leh isla markaana muddo la sugayay, ayaa lagu falanqeeyay heerka uu marayo nidaamka saadka iyo silsiladda sahayda caafimaadka ee Puntland. Ujeeddada qiimayntu waxay ahayd in si qoto dheer loo qiimeeyo xaaladda hadda jirta ee nidaamka supply chain-ka caafimaadka, isla markaana loo dejiyo jihada horumarineed ee mustaqbalka si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka bulshada.

Shirkaan waxaa ka qayb galay waaxyaha kala duwan iyo madax-qaybeedyada Wasaaradda Caafimaadka Puntland, saraakiisha saadka ee gobollada, iyo bahwadaagta caafimaadka oo ay ka mid yihiin WHO, UNICEF, Save the Children, CARE International iyo hay’ado kale oo taageera horumarinta adeegyada caafimaadka.

Furitaanka iyo gunaanadka qiimaynta waxaa hadallo muhiim ah ka jeediyay Kusimaha Agaasimaha Waaxda Medical Services ahna Madaxa Daawada iyo Saadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Abdifitah Muufo, iyo Mr. Charles iyo Ali Hasan oo ka socday UNICEF Somalia, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamka saadka caafimaadka si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh oo bulshada loo siman yahay.

Qiimayntan waxay fursad muhiim ah u noqotay Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo bahwadaagteeda si loo helo qorshe cad oo lagu horumarinayo nidaamka supply chain-ka caafimaadka Puntland sanadaha soo socda.

Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay u mahadcelinaysaa UNICEF iyo Global Fund oo si weyn uga taageeray qabsoomidda iyo hirgelinta qiimayntan muhiimka ah.

DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

See less

Write a Reply or Comment