16
Jun
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furtay tababarka gabdhaha marwo caafimaad kaas oo socon doona 35 maalmood ayna ka qaybgaelayaan 55 gabdhood oo ka socda gobolka Mudug.
Garowe: 12-Jun-2024:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furtay tababarka gabdhaha marwo caafimaad kaas oo socon doona 35 maalmood ayna ka qaybgaelayaan 55 gabdhood oo ka socda gobolka Mudug.
Salma Osmaan Guureeye madaxa barnaamijka Marwo Caafimaad oo furitaanka ka hadashay ayaa tiri:-
“ Waxaan maanta bilaabanaya tababar gabdhaha marwo caafimaad wajigiisa labaad oo socon doona mudo 35 maalmood ah ayna qaybgalayaan 55 gabdhood marka tababarka dhamaado waxaa la siin doona adeega ay ku shaqayn lahaayeen oo iskugu jira dawadii, mobilkii ay xogta ku soo gudbin lahaayeen.”
“Gabdhaha ayaa ku biiri doona gabdho horay loo tababaray hadeera shaqeeya, kuwaasoo meelaha fogfog ka bixiya adeegyada caafimaad ee looga baahanyahay.”
Maxamuud madaxa HMIS Gobolka Mudug oo tababarka furay ayaa ka hadlay muhiimada gabdhaha marwo caafimaad leeyihiin:-
“ Waxaan rajeynayaa siddii gabdhihii idiinka horeeyay ushaqaynayeen inaad ushaqaysaan u hormarisaan, waxaad ka shaqayn doontaan meelo fog fog oo aan adeeg caafimaad lahayn inaad caafimaad gaarsiisaan, dhammaystirtaan dhammaan baahiyaha jira ee dhanka caafimaadka.”
“ Waxaan ku faraxsanahay waagii dhowayd ee shubanku dilaacay in wax badan ay qabteen gabdhan si xogta loo helo loogana falceliyo, waxaa la idinka rabaa inaad ka warqabtaan 00 idiin diiwaangashanyihiin hooyooyinka uurka leh ilmaha tallaalka u baahan iyo dhammaan baahiyaha jira.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.