Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababarka maaraynta iyo xog uruurinta xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababarka maaraynta iyo xog uruurinta xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal.
Tababarkaan ayaa loogu talagalay in xarumaha caafimaadku ay xogta caafimaadka awood uyeeshaan inay soo geliyaan xogtooda halka awal degmada iyo gobolku soo gelin jireen. Waxaana lagu bilaabay xarumaha caafimaadka ee gobolka Nugaal waxaana qorshuhu yahay in dhammaan gobollada la gaarsiiyo.
Cabdirisaaq Cartan madaxa maaraynka iyo maamulka xogta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ugu horayn ka hadlay furitaanka ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta uu inoo bilaabanayo tababarkan muhiimka ah kaasoo waji cusub oo horumarin iyo casriyayn xogta ah loogu gudbayo, waxaana xarumaha caafimaadka lagu wareejinayaa lana siinayaa nidaamka ay xogta ku soo galinayaan halka badalka awal warqado inta ay ku qoraan u gudbin jireen maamulaha xogta caafimaadka degmada kadibna gobolka kadibna xarunta dhexe waxaa hadda toos iskugu xirmaya xarunta iyo qaybta xogta wasaaradda dhexe.”
“Xarumaha Gobolka Nugaal aya laga bilaabayaa tijaabo ahaan kadibna gobolada ayaa loo gudbi doonaa marka lagu guulaysto, waxaan rajaynayaa tababarka inta uu socdo madaama uu muhiim yahay inaad ka faa’iidaystaan.”
Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan bogaadinayaa tababarka maanta halkaan ka furmayo kasoo sida Artan xusay muhiimad balaaran uleh caafimaadka guud ahaan gaar ahaan qaybta helitaanka xogta waqtiga ugu dhaw uguna macquulsan, waxaan bogaadinayaa madaxda maamulka maaraynta xogta shaqada horumarsan ay qabteen waxaana rajaynayaan in nidaamkeena xogta uu la jaan qaado kuwa caalamka.”
“Waxaan dhamaantiin idinka rajaynayaa inaad aqoonta ka faa’iidaystaan userka cusubna fahantaan si shaqada aad qabanaysaan idinku sahlanaato. “
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.