27
Aug
Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo Maamulka iyo Maareynta Bakhaarada Wasaaradda waxaana ka qaybgalaya qaar kamid ah madaxda xogta Saadka Gobollada iyo Madaxda Bakhaarada Gobollada Ee Puntland. (LIMS& Pharmacy officers).
Garowe, Aug, 25, 2024: Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtay tababar ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo Maamulka iyo Maareynta Bakhaarada Wasaaradda waxaana ka qaybgalaya qaar kamid ah madaxda xogta Saadka Gobollada iyo Madaxda Bakhaarada Gobollada Ee Puntland. (LIMS& Pharmacy officers).
Tababarka ayaa socon doono 3 maalmood ayaa lagu wadaa in la isku waydaarsado aqoon ku saabsan sidii loo kor loogu qaqdi lahaa tayada xogta Saadka iyo isticmaalkeeda.
Mohamud Abdikadir (Gaacir).madaxa xogta Saadka Ee wasaraadda caafimaadka dawladda Puntland:-
“ Waxaan dhamaan ka soo qaybgalayaasha uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tababarkan muhiimka ah ee ku saabsan maamulka tayada xogta Saadka iyo isticmaalkeeda, waxaa la idinku yeeray inaad ka faa’iidaysataan cilmi iyo aqoona aad ka kororsataan sidoo kalena inaad ilaalisaan waqtiga iyo joogitaanka tababarka iyo ka qaybgalkiisa casharada lagu qaadanayo.”
Dr Mohamud WFP Nutrition offcer Ee Puntland oo furitaanka tababarka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tababarka muhiimka ah oo looga hadlayo sidii looga shaqayn laha helitaanka xog dhamaystiran oo la hubiyay, waxaan uga mahadcelinayaa Gaacir iyo qaybta xogta Saadka iyo Bakhaarada sida ay waqti iyo juhdi badan ugaliyeen tayaynata xogta Saadka iyo xaqiijinteeda, waxaan dhamaantiin idinka rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan aqoona ka kororsataan.”
Agaasimaha Guud Ee wasaaradda caafimaadka DPL Dr Mohamud Xidig oo tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsananay inaan idin kala soo qaybgalno tababarkan muhiimka ah, kuna saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xogta Saadka iyo Maamulka Bakhaarada iyo isticmaalkeeda. Tababarka waxaa uu soconayaa sida la xusay 3 maalmood waana waqti ku yar marka laga hadlayo waxa lagu qaadanayo balse dadaal badan ayaa la idinka rabaa.”
“ Waxaan rabaa inaan xuso in waqtiga tababarku socdo la yareeyo waxkasta oo ka mashquulin kara, waayo waxaad ka shaqaynaysaan waa xog iyo Maamulka Daawada waxaana muhiim ah in muhiimad la siiyo. Wasaaradda xogtu Saadku waa waxa ugu muhiimsan ee la rabo in la ilaaliyo sax ahaan shaheeda iyo xaqiiqdeeda”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.
+20
All reactions:
Abdinur Mohamed, Mohamed Omar Ibrahim and 38 others