15
May
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daahfurtay Ololaha Tallaalka cudurka Daacuunka. Ololaha Tallaalka oo socon doona 5 Beri ayaa laga qaban doonaa Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Nugaal. waxaana qorshuhu yahay in la tallaalo ilaa 700 Kun oo qof, waxaana la siin doonaa ilmaha jira hal sano iyo dadka waaweyn.
Garowe May,15,2024:- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daahfurtay Ololaha Tallaalka cudurka Daacuunka. Ololaha Tallaalka oo socon doona 5 Beri ayaa laga qaban doonaa Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Nugaal. waxaana qorshuhu yahay in la tallaalo ilaa 700 Kun oo qof, waxaana la siin doonaa ilmaha jira hal sano iyo dadka waaweyn.
Yusuf Cabdiqaadir oo ka socday wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal oo hadal ka jeediyay ayaa yiri:-
“Waxaa qaar kamid ah gobolada Puntland ka jiray shuban biyoodka daran, waxaana uu sababay dhimasho, gobolka Nugaal waxa uu ka mid yahay meelaha uu saamaynta ku yeeshay gaar ahaan kaamamka barakacayaasha magaalada Garowe qaarkood ayuu dadka dagan saameeyay, waxaa wasaraddu samaysay dadaalo badan oo looga hortagayo laguna xakamaynayo si uusan usii fidin. Tallaalka maanta bilaabanaya waxa uu qayb ka qaadanayaa ka hortaga la waday madaama dadka barakacayaasha ah ay markasta unugul yihiin xanuunkan marka laga eego biyaha ay cabayaan oo aan nadiif ahayn, qashinka oo ku dhaw waxaan isleeyahay wax badan ayuu difaac uga noqon doonaa. waan uga mahadcelinayaa wasaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya keenitaanka talaalkan.”
Dr Abraham madaxa hay’adda WHO Puntland iyo Maryam Afrah oo ka socotay Unicef oo hadalo kooban ayaa bogaadiyay ka soo qaybgalka daahfurka Ololaha Tallaalka kaasoo baahi badan loo qabqy, madaamada shuban uu ka jiray gobolada maanta laga bilaabayo uuna unoqon doono ka hortag laga sameynayo inuu isku badalo xanuunka daacuunka, waxay labaduba xuseen inay wasaaradda markasta kala shaqayn doonaan sidii looga hortagi laha cudurada dilaaca sababana dhimashada.
Muxiyadiin Ahmed Mohamed oo ka tirsan waaxda caafimaadka asaasiga ah gaar ahaan talaalada ayaa yiri:-
“ Ololaha tallaalka daacuunka waxuu ka bilaabanayaa magaalooyinka Garowe, Qardho, Bosaso, Badhan iyo Dhahar gaar ahaan Kaamamka Barakacayaasha, waxaana uu soconayaa shan Cisho. Tallaalka waa la siinayaa dadka waxii hal sanno ka way, lama siinayo caruurta waxii hal sanno kayar.”
“ Waxaa maanta uwada joognaa Daahfurka Ololaha Tallaalka cudurka Daacuunka, Tallaalka daacuunka ma badalayo tallaabooyinka ka hortagga cudurka oo ay ka midyihiin: In si joogto ah gacmaha saabuun iyo biyo lagu dhaqo, in si badbaado leh loo astur saxarada iyo qashinka, In la caadeeysto,in si badbaadsan loo diyaarsato cuntada, In la isticmaalo biyo badbaado leh ama daweysan, sida biyo la karkariyay (1-3 daqiiqo), la shaandhayay oo koloriin lagu daray, In lagu kaydsado biyo nadiif ah, weel nadiif ah oo daboolan. Ugu dambeyntii wasarada waxa ay u mahad celinaysaa cid walba oo kala qayb qaatay xanuunkaa shubanka in uu ka jiray Puntland.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo si rasmi ah u daahfuray Ololaha ayaa yiri:-
“ Maanta waxaan markale halkaan iskugu nimid munaasibada muhiim ah oo aan ku daahfurayno Olole balaaran oo caafimaad, waxaa mudo ka soo jiray shubanka daran magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garowe, Baran iyo dhahar oo dad ugu dhinteen, waxaana uu ka jiray oo saamayn ka gaystay Kaamamka barakacayaasha, haddaba wasaaradda iyo guud ahaan dawladda oo uu madaxweynuhu ugu horeeyay waxaa dadaal badan lagu bixiyay sidii loo xakamayn lahaa fiditaankiisa loogana hortagi lahaa inuu deegaano kale ugudbo, waxaan booqday dhawr jeeer kaamamka uu xanuunku sida daran uga jiray ee ku yaala Garowe iyo Qardho waxaan diyaarinay meelihii lagula tacaali lahaa laguna dawayn lahaa dadka uu sameeyo, waxyaabaha keenay waxaa ka qayb ka ah meelaha ay dadkaasi daganyihiin oo aan musqulo ku filan lahayn intooda badana baananada iskaga xaajoodaan, biyaha la cabayo oo aan nadiif ahayn ama ay dhici karto inay wasakhaysanyihiin, waxaana rajaynayaa in waqti aan dheerayn ay ka bixi doonaan, waxaa laga sameeyay wacyigalin lagu farayo waxyaabaha looga baahanyahay si xanuunkan uga badbaadaan, haddaba tallaalka oo aan mudo codsanaynayn waxaan ugu talagalnay in lagu xakameeyo loogana hortago in uu dilaaco cudurka daacuunkq madaamada waqti roobaadkiina lagalay.”
“ Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo hay’adda WHO oo talaalka 700 oo kun na soo gaarsiisay maantana laga bilabaayo magaalooyinka uu shubanku ka jiray, Aan laba jibaarno dadaalka nadaafada aan kor uqaadno wasakhda iska fogayno insha allah.
Wasiirka iyo Abraham madaxa WHO Puntland ayaa talaalkii ugu horeeyay siiyay labo caruur ah iyo mid kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka, waxaa xafalada qayb ka ahaa ardayda machadka caafimaadka Shaafi.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND