Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa Hay’adda Caafimaadka adduunka kala wareegtey, qalab ka kooban ICU, X-Ray Machine, CT scan Machine iyo Blood bank oo loogu talagalay Isbitaalka guud ee Garoowe.

17 May

Cbdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ayaa qalab kala wareegey masuuliyiin ka socdey WHO waxaana uu ku wareejiyey agaasimaha Isbitaalka Hodan Cali Shire.

Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay hay’adda WHO qalabkaan muhiim ah,loogana baahnaa isbitaalka Garowe oo dhawaan dib loo furay kadib markii si casri ah loo dhisay, waxa uu xusay inay qalabkaan horumarin doono adeegii caafimaad ee awal cisbitaalku bixin jiray.

Ugu danbeyn waxa uu agaasimaha isbitaalka kula dardaarmay inay ilaaliyaan qalabkaan bulshadana loogu adeego.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment