Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa caawa Masraxa Dookh ku qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay Waxqabadkii 100-ka Maalmood ee Hoggaanka Cusub, taas oo lagu iftiimiyey isbeddellada la hirgeliyey, dib-u-habaynta maamulka, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo guulihii laga gaaray qorshayaashii mudnaanta lahaa ee Wasaaradda.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroolw Wasiir Ku-xigeenka Marwo Maryan Axmed Cismaan, Wasiiru-Dowlaha Mudane Cali Maxamed Cismaan, Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, madaxda waaxyaha Wasaaradda, guddiyada caafimaadka, hay’adaha bahwadaagta ah, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, oo kalmada soo dhawaynta ka hadlay muhiim, ayaa ku ammaanay hoggaanka cusub jihada ay u horseedeen Wasaaradda muddadii koobnayd ee ay xilka hayeen. Wuxuu sheegay in hoggaanku ku guulaystay dib-u-habayn maamul, dardargelinta shaqooyinkii socday, kobcinta wada-shaqaynta bahwadaagta iyo dejinta hannaan shaqo oo horseeday in muddo gaaban lagu gaaro natiijooyin muuqda oo bulshada iyo bahwadaagtu si cad u dareemeen.
Dhankooda, bahwadaagta Wasaaradda oo ay munaasabadda uga kala hadleen Jamaac Maxamed Dacar oo ku hadlay magaca Save the Children, Cabdiraxmaan Gambool oo ku hadlay magaca PSI, iyo Farxaan Hassan oo ku hadlay magaca WHO, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey waxqabadka Wasaaradda iyo hoggaanka cusub. Waxay xuseen in boqolkii maalmood ee la soo dhaafay ay ka markhaati kacayaan hoggaan firfircoon, aragti fog iyo isbeddel dhab ah oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka Puntland. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Wasaaradda si loo sii xoojiyo adeegyada caafimaadka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka, Dr. Sahal Ahmed, iyo Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dadweynaha Puntland (PPHI), Siciid Gafaa, ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo himilooyinka hay’adahooda, iyagoo faahfaahiyey doorka ay ka qaadan doonaan horumarinta tayada xirfadlayaasha caafimaadka, cilmi-baarista, tababarrada iyo dhismaha awoodda hay’adaha caafimaadka ee Puntland.
Xildhibaan Maxamed Siciid Qoslaaye oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka shaqada baaxadda leh ee ay qabatay muddadii koobnayd ee hoggaanka cusub. Wuxuu xusay in guddigii Golaha Wakiillada ee booqashada shaqo ku tegay Gobolka Karkaar ay si toos ah ugu soo arkeen horumar la taaban karo oo laga sameeyey adeegyada caafimaadka iyo maamulka xarumaha caafimaadka, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa dadaalka iyo hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee Wasaaradda.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cali Maxamed Cismaan, ayaa sheegay in ujeeddada munaasabaddan ay ahayd in shacabka Puntland iyo bahwadaagta lala wadaago waxqabadkii Wasaaradda u qabsoomay muddadii 100-ka maalmood ahayd, isla markaana loo muujiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ay Wasaaraddu ku shaqaynayso. Wuxuu uga mahadceliyey dhammaan martidii iyo hay’adihii ka soo qayb galay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Wasaaradda.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyey Shahaadooyin Sharaf shan xubnood oo lagu maamuusay dadaalkooda, hufnaantooda iyo kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen hirgelinta dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqada Wasaaradda muddadii 100-ka maalmood ahayd.
Gabagabadii munaasabadda, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda. Wasiirku wuxuu sheegay in guulaha la soo bandhigay ay yihiin natiijada hoggaan mideysan, shaqo wadareed, isla-xisaabtan iyo dadaalka joogtada ah ee madaxda, shaqaalaha Wasaaradda iyo bahwadaagta caafimaadka.
Wasiirku wuxuu xusay in 100-ka maalmood ee la soo dhaafay ay ahaayeen bilowgii isbeddelka, isla markaana Wasaaraddu ay sii dardargelin doonto dib-u-habaynta, horumarinta adeegyada caafimaadka, xoojinta nidaamyada maamulka iyo hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiga ah, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, waara, loona siman yahay dhammaan bulshada Puntland.


























































DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland