Wasaaradda Caafimaadka Dowaadda Puntland gaar ahaan qaybta xogta (HMIS) ayaa maanta tababbar ku saabsan kor u qaadida tayada xogta iyo taxliilinta xogta laga soo saaro u furtay xarumaha caafimaadka Puntland.
Garowe 24 September 2024: Wasaaradda Caafimaadka Dowaadda Puntland gaar ahaan qaybta xogta (HMIS) ayaa maanta tababbar ku saabsan kor u qaadida tayada xogta iyo taxliilinta xogta laga soo saaro u furtay xarumaha caafimaadka Puntland.
Xamdi Samriye oo ka tirsan qaybta HMIS wasaaradda caafimaadka Puntland oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa tiri :-
“ Waxaan dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirkaan uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalkooda, shanta maalmood ee soo socda waxaan si tafatiran iskula lafa guri doonaa sida xogta laga soo aruuriyo xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo gobolada kor loogu qaadi lahaa loona taxliilin lahaa si ay unoqoto mid macno yeelata.”
“ Tababbarkaan oo ay ka qaybgalayaan madaxda xogta gobolada ,qaar ka mida degmoyin ka iyo wasarada dhexe, waxaa la
Idinka filayaa inaad maalmaha uu socdo casharada laga bixinayo ka faa’iidaysataan.”
Adna Faarax Cabdullahi agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka DPL oo shirka furtay ayaa tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan uwada fadhido shirkaan muhiimka ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xogta mid macno lehna looga dhigi lahaa xogta ka timaada xarumaha caafimaadka sida bila ah, sidaan dhamaanteen la wada socono xogtu waa isha ugu muhiimsan ee lagu ogaado is badalka caafimaad ee jira iyo xanuunada kordhay kuwa hoos udhacay laguna jaangooyo qorshayaasha caafimaad ee la diyaarinayo, dhamaantiin waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’iidasataan maalmaha uu socdo cilmiga aad ka qaadataana ku hormarisaan shaqooyinkiina ugana faa’iidaysaan shaqaalaha kale ee aad shaqo wadaaga tihiin.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.