21
Oct
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ku hadlaya magaca wasaaradda caafimaadka, wuxuu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Agaasimihii Xarunta Horumarinta Cilmi-baadhista ee PDRC, Cilmi-baadhe sare, Cali Faarax Farmayeeri oo maalmahan ku xanuunsanaa Garoowe
‘’كل من عليها فان ويبقي وجه ربك ذوالجلال والإكرام ”
Wuxuu ahaa cilmi-baadhe sare & khabiir cilmiga badda isaga oo ka soo shaqeeyey Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya & Xarunta PDRC oo uu bud-dhig ilaa maamule-sare ka ahaa labataankii sanno ee u danbeeyey oo uu ka shaqaynayey arrimaha bulshada & cilmi-baadhista.
Waxaan Alle SWC u weydiinayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo,eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyootay