30
Sep
Shirka dib u eegista xogta cudurka duumada ayaa saaka ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka kaas oo dib loogu eegayo wixii laga qabtay cudurka duumada 3-dii bilood ee la soo dhaafay
Shirka dib u eegista xogta cudurka duumada ayaa saaka ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda Caafimaadka kaas oo dib loogu eegayo wixii laga qabtay cudurka duumada 3-dii bilood ee la soo dhaafay, waxaaana furitaankiisa ka qayb galay Madaxa Xakamaynta duumada ee Wasaarada Caafimaadka Dr Cabdikariim Xuseen Xasan , iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta Wasaarada Caafimaadka Puntland Idiris Cabdulaahi Maxamed.
Shirkaan oo socon doona mudo labo maalmood ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa xogta Cudurka duumada ee dhamaan gobolada Puntland iyo shaqada laga qabtay.