Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland wefti balaaran oo ka socdey safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.

Garoowe: 21- Waxaa maanta booqasho ku yimid Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland wafti balaaran oo ka socday safaarada Swedan SIDA oo ah deeq bixiyayaal Soomaaliya iyo Hay’adda UNICEF.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo ay wehelinayeen agaasimaha Guud Dr-Abdirizak Hersi Hassan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

GAROOWE -28 August 2022:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray ku yimi Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, Agaasimaha guud Dr- Cabdirisaaq Hirsi Hasan iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku soo dhoweeyey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

(more…)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr-Cabdirisaaq Hirsi Hasan ayaa magaalada  Garoowe ka furay tababarka tababarayaasha DHIS2 ee Barnaajika Qaaxada Soomaaliya “National TB Program”.
Tababarkaan oo soconaya saddex maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda qaybta qaaxada dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socota Hay’adda World Vision.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya

Garoowe, 22, Ogoosto 2022 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Saeed Madaxa UNICEF Soamaaliya ayna qeyb ka yihiin Madaxda Xafiiska Hay’addaha ee Puntland.

(more…)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana uu kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiir kuxigeenka Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya

Garoowe 15 August – 2022: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan abaaraha, kaasoo u dhaxeeyey wasaaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya.
Shirkan waxaa wasiirka ku weheliyey agaasimaha guud ee wasaaradda Dr- Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda caafimaadka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay saraakiil ka socotay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah qaarkood.

(more…)

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso  bisha 8-aad.

Garoowe, Ogoosto 16. 2022:- Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay xuska todobaadka Naas-nuujinta sannad kasta adduunka laga xuso  bisha 8-aad.

Waxaa shirkan ka soo qabgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr- Jaamac Faarax Xasan, agaasimayaasha wasaaradda qaarkood iyo hay’addaha wasaaradda la shaqeeya. (more…)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya,

Garoowe: 30 Luulyo 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay shir ku saabsan Tababarka Tababarayaasha dib-u-eegista iyo ururinta Xogta Caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ka wada qabgaleen Dowladda Federaalka   Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir. (more…)

Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa maanta ka bilowday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta uu ka bilawday shirka dib u eegista xogta caafimaadkaga Soomaaliya.
Garoowe: 12 Jun 2022:- Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Shirka dib u eegista xogta caafimaadka iyo mida daawada Ee Soomaaliya. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xogta ee wasaaradda caafimaadka dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

(more…)