Garowe: May 12, 2024:- Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo agaasimaha guud iyo madaxa xogta wasaaradda caafimaadka ayaa maanta daah-furay qaliimada bishimaha faruuran iyo dhabxanaga oo laga fulinayo isbitaalka guud ee Garoowe.
Agaasimaha Cisbitaalka Dr Hodan Cali Shire ayaa wasiirka ku soo dhoweysey cisbitaalka waxayna warbixin ka siisay dhakhaatiirta qaliimada fulinaya oo ay sheegtay inay ahaayeen kuwo imaanayey ilaa 2010 lkn labadii sano ee la soo dhaafay u baaqday dhismaha cisbitaalka ka socday.