Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Blog

Wasaaradda caafimaadka oo ka qayb gashay shirka jiheynta xukuumada Dowladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay caasimadda Garoowe

Garoowe : 18, May 2024: Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Cabdirashid Xasan Jaamac Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamud, Madaxa Maareynta Iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, Lataliyaha arimaha Caafimadka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Siciid Maxamuud (Dhagaweyne) ayaa ka qeyb galay Shirka JIHEYNTA Xukumadda Dowladda Puntland, kaas oo ka furmay Caasimadda Garoowe.

(more…)

Wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay Suldaan Guud ee Beelaha Harti Xurmadle Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamud Cali Shire.

Garoowe : 18, May 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, qaar ka mid ah golaha xukuumada, xildhibaano iskugu jira DF Soomaaliya iyo Puntland, madax kale iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay Suldaan Guud ee Beelaha Harti Xurmadle Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamud Cali Shire.

(more…)

Wasiirka wasaaaradda caafimaadka oo ay wehilyaan wasiiro ka socda golaha dowladda Puntland ayaa booqday xarunta carruuraha baahiyaha gaarka ah qaba

Garoowe : 16, May 2024: Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Cabdirashiid Xassan Jaamac ay weheliyeen Wasiirka Haweenka Maryan Axmed Cali, wasiirka gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed, Wasiiru-Dowlaha Qorshaynta Faarax Maxamuud Aw-Cismaan iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Maxamed Xassan ayaa booqasho ku tagay xarunta lagu daryeelo caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee Autism Somalia Center.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta Kulan kula qaatay xarunta dhexe ee taliska booliiska Garoowe

Garoowe : 16, May 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiiru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta Kulan kula qaatay xarunta dhexe ee taliska booliiska Garoowe Taliyaha Boliiska Dowladda Puntland Sareeye guuto Mumin Cabdi Shire kulanka oo ay ka qeyb-galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.
Kulan ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda caafimaadka iyo Booliska iyo sidii loo hirgelin lahaa cisbitaalka xooga Puntland oo gaar u ah ciidamada, qorshaha dhow ee wasaaradda ku jira.

(more…)

Wasiirka caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jsamac Qorsheel ayaan maanta kormeeray Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe (Puntland State Public Health Reference Laboratory (PS-PHRL).

Garowe May,15,2024:- Wasiirka caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jsamac Qorsheel ayaan maanta kormeeray Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland ee ku yaal magaalada Garoowe (Puntland State Public Health Reference Laboratory (PS-PHRL).
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulka iyo shaqaalaha xarunta shaybaarka, Dr Maxamuud Maxamed Xuseen ayaa wasiirka warbixin ka siiyay shaqooyinka shaybaarka uu qabto iyo qorshayaasha soo socda.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan waaxyaha Caafimaadka iyo Saadka oo Wakiil Ka ah Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay deeq Mashiino Caafimaad oo Casri ah iyo Daawooyin muhiim ah.

Garowe May,15,2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan waaxyaha Caafimaadka iyo Saadka oo Wakiil Ka ah Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay deeq Mashiino Caafimaad oo Casri ah iyo Daawooyin muhiim ah.

(more…)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daahfurtay Ololaha Tallaalka cudurka Daacuunka. Ololaha Tallaalka oo socon doona 5 Beri ayaa laga qaban doonaa Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Nugaal. waxaana qorshuhu yahay in la tallaalo ilaa 700 Kun oo qof, waxaana la siin doonaa ilmaha jira hal sano iyo dadka waaweyn.

Garowe May,15,2024:- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daahfurtay Ololaha Tallaalka cudurka Daacuunka. Ololaha Tallaalka oo socon doona 5 Beri ayaa laga qaban doonaa Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Nugaal. waxaana qorshuhu yahay in la tallaalo ilaa 700 Kun oo qof, waxaana la siin doonaa ilmaha jira hal sano iyo dadka waaweyn.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xarunta hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Garoowe ka furay tababarka daryeelka caafimaadka asaasiga ah ee ilmaha dhasha iyo xanaanayntiisa.

Garowe ,May, 14, 2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta xarunta hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Garoowe ka furay tababarka daryeelka caafimaadka asaasiga ah ee ilmaha dhasha iyo xanaanayntiisa.. Tababarkan oo socon doono muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 dhakhtar oo ka socda gobolada Sool iyo Nugaal, waxaana iska kaashanayana wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Global Health Alliance oo ka dhisan gobolka Minnesota ee dalka Marayka.

(more…)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhalaanka ee Gargaar oo ku yaala magaalada Garowe.

Garowe , 12-May- 2024 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegey xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal iyo xarumaha caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gambool (MCH) iyo Xarunta cafimaadka Hooyada iyo dhalaanka ee Gargaar oo ku yaala magaalada Garowe.
Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig iyo madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Cabdirisaaq Cartan, Waxaa kaloo kormeerka qayb ka ahaa Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mohamed Jamac qorile.

(more…)