Galkacyo: 10 Sep 2024: Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirashid Xasan oo safar shaqo ku jooga magalaada Galkacyo ayaa maanta booqday isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo. Wasiika waxaa isbitaalka ku soo dhaweeyay Dr Saadiq Maxamuud Aadan kuxigenkiisa Dr Cabdiraxmaan iyo masuuliyiinta kale ee Isbitaalka. Wasiirka ayaa mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka koobanyahay gaar ahaan qaybta sifaynta kelyaha oo dhammaan ay yalaan qalabkii loogu talagalay dhowaana isbitaalka laga hirgaliyay.