Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Karkaar uu hogaaminayo Cabdilaahi Moaxamed Cartan oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa sii xoojinaya ololaha wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, xilli lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka.

29 Apr

Kooxaha wacyigelinta ayaa toddobaadkan booqashooyin ka sameeyay iskuullo, kaamam barakacayaal iyo jaamacado ku yaalla magaalada Qardho, iyagoo saaka fariimo caafimaad gaarsiiyey ardayda iyo macallimiinta dugsiga Abdilatif Bilaal.

Ujeeddada wacyigelintan ayaa ah in la kordhiyo fahamka bulshada ee muhiimadda tallaalka iyo ka hortagga cudurrada faafa, si ardaydu ay u noqdaan wacyigeliyayaal bulshada dhexdeeda ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda qaadashada tallaalka, gaar ahaan cudurka gawracatada (diphtheria) oo halis ku ah carruurta iyo dadka nugul.

Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka iyo bah-wadaagta ayaa ballan qaaday in la sii xoojin doono dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada adeegyo caafimaad iyo wacyigelin joogto ah.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment