28
Apr
Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa maanta kormeeray shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.
Garoowe: 27. April 2024: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kormeeray shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.
Waxaa kusoo dhoweeyay wasaaradda wasiirka wasaraadda Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiir ku xigeenka Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xiddig, kulan kooban oo uu xafiiska wasiirka kula qaatay waxa uu warbixin guud ka dhegeysay masuuliyiinta wasaaradda kaa soo ku saabsanaa xaalada guud ee caafimaadka Puntland si gaar ah cudurada faafa oo ilaa bilowgii sanadkaan ka jirey deegaamada qaarkood sida gawracatada,jadeecada, Xiiq dheerta iyo shuban biyoodka iyo sida ay u socdaan addeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah oo loo hayo Bulshada.
Wuxuu ku booriyey Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan. Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta shaqada iyo tayeynta addeega Dowladnimo.
Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.