22
Aug
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana uu kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiir kuxigeenka Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, Agaasimaha Guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda.
Madaxweynaha Ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee wasaaradda waxaanu ugu danbeyn warbixin ka dhegeystey madaxda wasaaradda oo uga warbxiyey madaxweynaha sida shaqadu us socoto.