Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
Madaxweynaha waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mohamed Abdirahmaan Mohamed, Wasiir Kuxigeenka Maryan Osman, Wasiiru Dowlaha Ali Mohamed Osman, iyo Agaasimaha Guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig.
Madaxweynaha ayaa kulan kooban oo uu xafiiska Wasiirka kula yeeshay hoggaanka Wasaaradda ku dhageystay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Puntland, gaar ahaan cudurrada faafa ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada tan iyo bilowgii sanadkan, sida cudurka gawracatada, iyo sidoo kale sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee joogtada ah ee la siiyo bulshada.
Intaasi kadib, Madaxweynaha ayaa hoolka Wasaaradda kula kulmay agaasimayaasha iyo madaxda qaybaha kala duwan, isagoo ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, kuna dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si loo xoojiyo tayada adeegyada caafimaadka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeerro joogto ah oo uu Madaxweynaha ku dardargelinayo waxqabadka hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Caarshe Mohamed Said, iyo Afhayeenka Madaxtooyada ahna Agaasimaha Warfaafinta Jaamac Dabaraani.
DHAMMAAD

























Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland